GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Baaq Ku Wajahan Gargaar Deg Deg ah Xaalada Adag Ee Lasoo Daristay Magaalada Ceelbarde

Degmada Ceel-Barde oo ka tirsan degmooyinka hoos Yimaada gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa xaalad Bani Aadamnimo tii xumeyd ee mudooyinkan dambe la arko, ka dib markii dadka ku nool degmadaas iyo tuulooyinka hoos yimaada ay la soo deristay xaalado aad u adag oo dhinaca nolosha ah sida Caafimaad daro iyo biyo la�aanta ah oo ah mida ugu daran ee deegaanadaasi ka jirta.

Dadka ku dhaqan Degmadaasi Ceel Barde oo ka mid ah kuwa ugu badan ee Hodan-ka ku ah dhinaca xoolo dhaqashada ayaa bilaabay inay isaga hayaamaan deegaanadoodii ka dib markii biyo la�aanta halkaasi ka jirta ay gaartay heerkii ugu xumeyd oo xoolaha iyo dadkuba ay bilaabeen inay u le�daan oon iyo haraad fara badan, iyagoo u talaabay degmooyinka kale ee la deriska ah iyo weliba deegaano ku yaala gudaha dalka Itoobiya si ay u baadigoobaan deegaano dhaama goobaha ay ka soo hayaameen.

Tuulooyinka hoos yimaada degmada Ceel Barde ee sida weyn ay u saameysay biyo la�aanta ayaa waxaa ka mid ah Qoxle, Todob, Salku-dhoobaale, Bunbel iyo kuwa kale, waxayna wararka deegaanadaasi ka imanaya sheegayaan in dhibaatadan biyo la�aanta ah ee ka dhacday deegaanada hoos yimaada Ceel-Barde ay ka dhalatay ka dib markii ay qalaleen biyana laga waayey Ceelal gacmeed yar yar oo markii horeba tiradoodu tayadoodu ay aad u liidatay kuwaasoo marka la eego xadiga
biyaha ay soo saari jireen ay aad uga yaraayeen dadka iyo xoolaha isticmaala ee deeganadaasi ku kala baahsan.

Marka laga yimaado xaaladaha biyo la�aanta ah ee ka jira deegaanaadaas ayaa Sidoo kale dadka ku dhaqan degmada Ceel-barde tuulooyinka la xiriira xaaladaha kale ee soo wajahay waxaa ka mid ah iyadoo ay fara baas ku hayaan cudurada faafa oo la soo sheegayo inay dhibaatooyin ku hayaan caruurta iyo dadka Waaweyn intaba, iyadoo daryeelka dhinaca caafimaaadka ah ee ay heli karaana uu yahay mid aan jirin ama aad u xadidan, waxaana cudurada ugu badan ee ka jira ka mid ah Jadeecada, iyo cudurada kale ee ka dhasha nafaqo darada, iyadoo cuduradaasina ay
dad u badan caruur todobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ugu geeriyoodeen, iyagoo aan helin daryeelkii caafimaad ee ay u baahnaayeen.

Dhibaatooyinkan laga soo sheegayo degmada Ceel barde ee gobolka Bakool ayaa ku soo beegmeya xili Qaar ka tirsan hay�adaha samafalka iyo kuwa Q/midoobay ay ku sugan yihiin magaalada Xudur oo xarun u ah gobolka gobolka Bakool kuwaasoo aan waxba ka qaban qeylo dhaanta ka soo yeereysa degmada Ceel-Barde iyo nawaaxigeeda, marka laga reebo waxoogaa cunto ah oo sidaa aan badneyn oo ay gaarsiiyeen deegaanadaas, kuwaasoo aan wax weyn ka tari karin, kuna filneyn xaaladaha adag ee halkaasi ka jira.

Ugaas Baaruud Ugaas Xuseen oo ah Ugaaska degmada Ceel-barde ayaa ku eedeeyey mas�uuliyiinta hay�adaha Samafalka ee ku sugan xarunta gobolkaasi magaalada Xudur inay iska eeganayaan dadka u le�naya haraadka iyo cudurada Faafa ee halkaasi ku dhaqan, iyagoo taa bedelkeedna ku hawlan waxyaabo aan loo baahneyn.

�Dadkii iyo xoolihii haray wey isla le�anayaan, qaarkoodna waxay u hayaameen deegaano kale iyagoo biyo iyo baad Raadis ah, waxaan codsi u qoranay xafiisyada hay�adaha samafalka ee Xudur, anagoo u sheegnay inay halkan ka jirto dhibaaato karkaarada jabsatay oo Bani aadamnimo , una waxqabad dhab ah, hase ahaatee ma jirto ilaa hadda wax naga soo gaaray oo wax looga qabanayo dhibaatada jirta, maalin walba duulimaadyo kala duwan ayey ku tagaan Nairobi, ugana yimaadaan iyadoo waxqabadkoodana ku koobay degmooyinka kale ee gobolka, mana jirto jirto wax nabadgelyo daro ah oo ay uga cararayaan degmada Ceelbarde� ayuu yiri Ugaaska
oo ugu baaqay mas�uuliyiinta sare ee hay�adaha samafalka ee ku sugan magaalada Nairobi inay soo fara geliyaan daba-galna ku sameeyaan qaabka ay wax u maamulaan hawlwadeenada Soomaalida ah ee ay u wakiisheen inay maamulaan mashaariicda ay ugu talo galeen dadka tabaaleysan.

�Dhibaatada ugu daran ee hadda ka jirta degmada Ceel-Barde waa biyo la�aan ka dhalatay iyadoo degmada aysan laheyn wax ceelal ah, waana taas mida aan mar walba ku cel-celinayno, ilaa haddana ma heyno wax hay�addo ah oo halkan Ceel qodis ka bilaabay� ayuu intaa ku daray Ugaaska oo tilmaamay in haddii sida ugu dhaqsiyaha badan Ceel Riig ah aan loogu helin degmada Ceelbarde, tuulooyinkana Ceelal gacmeedyo ay dhibaatada ka dhalatay biyo la�aanta si jiitami doonto muddo dheer.

Guddoomiyaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool Warsame Dhoofaan Dhaqane ayaa isna sheegay in hawlwadeenada Soomaalida ah ee hay�adaha samafalka uga wakiilka ah deegaanka Bakool ay ula dhaqmaan degmadooda qaab faquuqid ah oo ka duwan sida ay ula dhaqmaan degmooyinka kale ee ku yaala gobolkaasi, wuxuuna tilmaamay in
dadka degmadaasi ay wax weyn ka tabanayaan hay�adaha samafalka, ayna cadeynayaan haddii ay yihiin mas�uuliyiinta degmada Ceelbarde.

�Xudur waxaa ku sugan hay�ado caan ku ah Ceelal qodida oo ay ka mid yihiin ICRC, UNICEF,CONCERN iyo GTZ iyo hay�addo kale oo iyana fadhigoodu yahay Muqdisho oo iyana aan iman gobolka kuna caan ah ceel qodida intooda marka laysu geeyana ma jirto wax ay ka qabteen degmada marka loo eego dhinaca ceelasha� ayuu yiri Warsame Dhoofaan Dhaqane oo intaa ku daray in xaalada biyo la�aaneed iyo mida Caafimaad daro ee ka jirta Ceelbarde ay haatan u muuqato mid ay indhaha ka qarsanayaan hay�adaha samafalka ee gobolka ku sugan.

Degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool oo ka mid ah degmooyinka ugu badan ee caanka ku ah seyladaha loo iib keeno Xoolaha ayaa ugu dambeyntii haddii aan si deg deg ah wax looga qaban xaaladaha biyo la�aaneed iyo mida Caafimaaad daro ee ka jirta oo dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan ay si aad ah ugu baahan yihiin waxaa ka soo fool leh kana dhici kara masiibo bani�aadamnimo oo hadhow qiime aad u weyn ku kici karta.

Kala xiriir: Ugaaska degmada Ceel barde Ugaas Baaruud Ugaas Xuseen

Tel-8821634110429

Guddoomiyaha degmada Ceelbarde Warsame Dhoofaan Dhaqane

Tel: 251257760271

Godeynews.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com