Shir lagu rabay in lagaga hadlo arimaha ciidan keenista Soomaaliya oo ay iskugu imaan lahayn madaxda wadamada kubahoobay urur gobaleedka IGAD ayaa maanta furmi waayay kadib markii ay kasoo qayb gali waayeen madaxda wadamada Jabuuti, Eriteria, Uganda iyo Suudaan.
Madaxda wadamada kasoo qayb gelay soo gaaray illaa iyo hadda Nayroobi ayaa waxay kala yihiin Raisul wasaarha Ethiopia Zenawwi iyo M/weynaha soomaaliya C/laahi Yuusuf kuwaasoo sida lasheegayo xaruntii shirka laga sii qaaday oo loo wareejiyay guriga m/weyanah Kenya (State House).
C/laahi Yuusuf, Kibaaki iyo Zenaawi ayaa shir khaas kuleh xurantas taasoo lafilayo inay soo saaraan go,aan kuwajahan sababta iyo ay m/weynayaasha kale uga soo qayb geli waayeen shirka inta mudada ah lasugayay in lagu qabto.
Dhinaca kale masuuliyiin kamid ah wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya ayaa cadho kamuujiyay qaabka iyo sida ay madaxdan udhaqantay oo ah mid jahwareer iyo khilaaf horleh dhex dhiga karta wadamada kuwada jira urur goboleedka IGAD.
P.S: Wararka danbe ayaa sheegaya in dawladaha Sudaan iyo Uganda ay soo dirsadeen wasiiro shirka u matala, taasoo shirka suurta gelisay inuu qabsoomo go,aama ciidamo lagu keenayo soomaaliyana lagasoo saaray.