Xubnahan tababrka kujira ayaa waxay degmo kastaba soo magacowday dadka xisbiga u matalaya heer qabale iyo heer tuulo. Sidoo kale waxay degmo kastaba soo gudbiyaan magacyo 3 xubnood oo shicib ah oo ay u rabaan in degmo kastaba xisbiga loogu daro.
Mudane C/laahi Lugbuur aya khudbada dheer kasoo jeediyay meeshaas isla markaasna digniin adag siiyay madaxda degmooyinka shaqada dadkaad u haysaan idinku iskama lidiihiin boosaska waxaa soosocda xisaabtan sidii hore oo kelana haku tala gelina "mahu mihii maha" wa hadalkii lugbuur.
Dhinaca kale waxuu si toos ugu sheegay xubnihii shirka waxad kaleexataan shaqadiinii waxaad boobteen xoolihii iyo miisaaniyadii degmooyinka een inagu aaminay. Waxaan kaloon digniiin adeg siinaynaa kuwa sida bareerka ah u booba raashinka dadka sida kaalmada ah loogu keeno oo shaqadoodi xafiiseed u badalay inay dadka masaakiinta ah raashinkooda suuqaqa kugataan. "Hadda waxii kadanbeeya waxaan kugu qiimeynaynaa hawshaada mana socono doono hebal iyo hebal ayaan wax isunahay oo shaqada igu heyn doono" m/weyne Luguur
Dhinaca kale mudane Lugbuur ayaa madaxda degmooyinka usheegay in hadda waxii kadanbeeya miisaniyadooda heer degmada loogu soo dari lacag ay kuqortaan shaqaale hoosaadka xafiisyada degmooyinka iyo waliba lacag ay kugataan gawaari xafiisyada kla gedisan si hawlaha degmooyinka wax looga qabto.
Hadaladana adeg ee kasoo yeerayo mudane Abdullahi Lugbur iyo kuwa Cabdi Cali Shagax meesha kajeediyay ayaa u muuqda kuwa meelhigsanaya oo aan lageraynin meesha ay rarka kufuri doonaan iyo dad kale ay xisbiga ka eryi doonaan. M/weynaha xisbiga iyo gudoomiyaha xisbiga ayaad moodaa inay si fiican uga faa,ideysanayaan fursadii iyo awoodii ay heleen laga soo bilaabo shirkii Raisul wasaare Zenaawi uu layeeshay xubnahan guddiga fulinta xisbiga kililka oo sababtay in xubno muhiim ahaa xisbiga iyo boosaskoodii laga cunay danbiyo aan jirina lagu soo oogay sida Mudane Mahdi Ayuub oo ahaa hogaankii nabadgalyada dawlad deegaameedka soomaalida oo hadda xabsi sharci darro ah kujira.