Waxaa booqasho ku yimid magaaladan San Diego Wasiiru Dawlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawladda Fadaraalka Itoobiya Maxamed Macallin Cali oo ku magac dheer Khadar.
Wasiirku wuxuu waddankan Mareykanka soo gaadhay badhtamihii bishii August, isaga oo hoggaaminaya wafdi ka socda dawladda federaalka ee Itoobiya oo ka qeyb galayay shir ay Jamciyadda Quruumaha Ka Dhaxeysa kaga hadleyso xuquuqda dadka naafada. Shirkaasi oo ka dhacay Magaalada New York, waxa uu socdey muddo labo toddobaad ah.
Kadib markii uu shirkaasi Jamciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa uu dhammaadey, wuxuu Wasiirku booqosho gaaban ku yimid magaalada San Diego, si uu fursaddan uga faa�iideysto oo uu ula kulmo Jaalliyadda Soomaalida ee ka soo jeedda Deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee Dalka Itoobiya. Wuxuu safarka wasiirku la xidhiidhay ama ujeedadiisu ay ahayd sidii loo xoojiyo lahaa xidhiidhka ka dhexeeya dawladda iyo jaaliyada ka soo jeeda ismaamulka Soomaalieed ee Itoobiya.
Md. Khadar Macallin waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada San Diego ku soo dhaweeyey Salaadiinta, waxgaradka, odayaasha, dhallinyarada iyo dad-weyne badan oo ka soo jeeda deeganka Soomaalida Itoobiya. Wasiirku wuxuu maalintii Sabtidii ee bishan September, 2 deedii, shir muhiim ah oo si wacan loo soo agaasimay kula yeeshay jaaliayada magaalada San Diego.
Shirkaasi waxaa soo qaban qaabiyeen dadweynaha Jaalliyada Soomaalida ee Itoobiya ee ku nool Koonfurtal Kalifoorniya. Shirka waxaa ka soo qeyb galay dad lagu qiyaasey 300 oo qof. Waxaana shirka lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah.
Waxaa intaa ka dib wasiirku ku soo dhaweeyey shirka, hadalo soo dhaweyn ah madasha ka jeediyay madaxa Jaalliyadda Geeska Afrika Cabdi Maxamud iyo madaxa Jaalliyadda Afrikada Bari ee Deegaanka Orange County Ibrahim Sh.Xuseen, iyo Sarkaalka Bulshada ee Beesha San Diego, Asad Cabdirisaq Aw Maxamed.
Kadib waxaa lagu soo dhaweeyay codweyneeyaha ( microphone) Wasiiru dawlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu Md. Khadar. Wasiirku waxa uu halkaasi xog waran ka bixiyay xaalladda siyaasadeed, dhaqaale, iyo Nabadgelyo ee uu ku sugan yahay Dalka Itoobiya, gaar ahaan Deegaanka Ismaamulka Soomaalidu. Isaga oo sheegay in inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin la soo darsay wadanka, hadana uu degaanka Soomaalidu ku talaabsaday horumar marka la eego dhinaca waxbarashada iyo dhaqaalaha.
Wasiirku waxa uu sheegay in qorshaha dhow ee degaanka ay ku jirto dhisida Jaamacada Jigjiga iyo madaar halkaasi magaalo madaxda Jijiga laga dhisi doono. Wasiiirku wax uu tilmaamay in aqoonsiga degaanka ee ah inuu yahay dhul Soomaaliyeed ay iyada laftigeedu tahay guul u soo hoyatay shacbiga Soomaliyeed ee degaanka.
Intaas ka dib, md. Khadar Macallin oo horey u ahaan jirey Madaxweynaha Deegaanka Ismaamulka Soomaalida sannadihii 1997-2000 oo dalka aad looga yaqaan aadna loo ixtiraamo, waxaa halkaas uu ka furey wixii su�aalo ah ee ay dadweynahu qabeen.
Wasiirka su�aalihii la weydiiyey waxaa ugu badnaa kuwo la xidhiidha arrimaha nabadgelyada sida dadka shacabka ah ee ciidamada Itoobiya ku xad gudbaan ama kuwa Jabhadda ONLF-tu., xuquuqda shacabka sida xadhigga iyo xil ka qaadka sharciga ka baxsan sida dhacdadii Mudane Mahdi Ayuub., khillaafka deegaanka ay Qoomiyadda Oramadu kala wareegtey Soomaalida sida Magaalooyinka Baabili iyo Jinacsani iyo su'aaalo badan oo kale oo ku aadan xaalada qalab la'aanta dugsiyada iyo wax qabad la'aanta maamulka degaanka.
Wasiirku si hufan ayuu su�aalahaas uga jawaabey, wuxuuna dadweynaha uga ballan qaadey inuu fariintooda iyo xog war sigooda ku aadan danaha degaanka u gudbin doono Ra�iisal Wasaaraha Dawladda Itoobiya Malese Zenawi haddii Eebbe yidhaahdo.
Md. Khadar wuxuu dadweynaha ku booriyey iney dalkooda ka geystaan maal-gelin, dibna ugu soo noqdaan si ay uga qayb galaan dib u dhiska iyo kobcinta wadanka.
Wasiiru Dawluhu wuxuu shalay oo ku beegneyd Sept 5 teedii u amba baxay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Wuxuu halkaas kula kulmi doonaa haddii Eebbe yidhaahdo dadweynaha, waxgaradka, odayaasha Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee dadka Itoobiya.
Godeynews.com
Xigasho: WardheerNews, San Diego.
|