Afdheer: Raashin kaalmo ah oo loogu talagalay dad shicib ah oo kutabalaysan degmada Guuradhaamoole oo si sharci darro ah loo gatay!!
Madax xafiiseedka kahortagaa masiibooyinka degmada G/dhuumaalo ee gobalka Afdheer ayaa sida wararku sheegayayan dhunsaday raashin gargaar ah oo noocyo kala gedisan ah, isla mar ahantaana kusocday dadka kutaabalaysan deegamo hoos yimaada degmada G/dhaamoole ee fatahaada webiga weeb iyo roobabku waxyeeleyeen.
Cali Cumar Jaamac (Cali gaas) oo ah madax xisbiga degmada G/dhaamoole ayaa sheegay inuu kaalmadan raashinka ah uu lunsaday ama u wax ka ogaa madax xafiiseedka kahortagga masiibooyinka ee degmada G/dhaamoole oo falalkan sharcidarad ah fuliyay bilihii lasoo dhaafay oo deegaamadas u webigu kufatahay.
Sidoo kale tuulada Dulcad oo katirsan degmada Dhanbal ee gobalka Shiniile ayaa laga soo sheegayaa in maamulka degmadu iyo niman boolis ah ay gateen raashin badan oo loo waday dadka daadaka iyo roobabka kuwaxyeeloobay.
Sida uu sheegay darawalkii gawaarida qaar ayaa sheegay inay ficilkan fuliyeen niman boolis ah oo markii hore darawalada loo raaciyay inay raashinka ka ilaaliyaan darawalada inay raaashinka kudejiyaan meel aan ahayn meelaha looga talagalay.
Dhinaca kale waxaa lamoodaa inay sheegistan dadka raashinka dadweynaha sida sharci darada kugatay ay daba socoto hadalkii maalmo kahor kasoo yeeray M/weynaha Kililka Mudane Cabdullaahi Xasan maru lahadlayay maamulada degmooyinka, isla markaasna uu usheegay in ninkii lagu qabto xatooyo talaabo adeg laga qaadi doono.
Iskusoo uruuriyoo dadka deeganka kudhaqan ismamulka soomalida ayaan maamulka kililka kuhaysanin wax quman oo adeeg ah oo aan ka ahayn inay jidka u istaagaan waxii kaalmo ah ee kolba hayadaha caalimiga ah ay ugu tala galeen dadka kutabaalaysan gudaha dawlad deegaameedka soomaalida.