GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Minneapolis: Shirkii Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeniya kula kulmeen Wasiiru Dawlaha Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada oo jawi wanaagsan kudhamaaday!!!

Maalintii sabtidii oy taariikhdu ahayd Sep/9/2006 waxaa qolka shirarka ee Radisson University Hotel lagu qabtey shir uu marti ku ahaa wasiiru-dawlaha shaqada & arrimaha bulshada dawlada federaalka Ethiopia, Mudane Khadar Macallin Cali.

Shirkaas oo ay kasoo qeyb galeen dad badan oo u dhashay deegaanka ismaamulka soomaalida ayaa waxaa dadka wajiyadooda kamuqday xiisaha iyo kalsoonida ay uqabaan dhagaysiga warbixinta wasiirka iyo waliba sii ogaanshaha xaaladda dhabta ah ee wadanku maanta kusugan yahay.

Intaas kadib waxaa aayado Qur�aan ah ku furey shirka Sh.C/llaahi Cali Xasan oo dadkii halkaasi isugu yimid aad ugu boorieyey midnimo iyo ismaqal. Kadibna waxaa kulanka ka hadley Guddoomiyaha Ururka Nabada & Horumarinta Soomaalida Ethiopia (Somali-Ethiopian Peace & Development Agency) oo ah ururka martigaliyey shirka Mudane Axmed-Haadi Cabdi Bile.

Gudoomiyuhu waxuu bulshada u sheegey in ururkan ujeedadiisu tahey sidii nabad galyo loogu heli lahaa deegaanka Soomaalida Ethiopia. Isagoo dhawaaan lagu aas�aasey magaalada Minneapolis wuxuu laamo ka furtey gudaha dalka. Wuxuuna ururku dhawr bilood ka hor wafdi u direy dalka gudihiisa si ay uga soo furaan laamo ka shaqeeya sidii la isugu xidhi lahaa jaaliyadaha dibada iyo bulshada gudaha.

Axmed-Haadi wuxuu bulshada ugu bishaareeyey inuu ururku gacmo furan ku soo dhaweynayo cid walba oo rabta iney xaqeeda nabad galyo ku raadsato. Sidoo kale waxaa madasha shirka hadal kooban kasoo jeediyay Axmed Sh. Cabdi Dhoodi oo ku hadlayey magaca odayada Minnesota talo iyo tusaalooyina wanaagsana siiyay dadka meesha iskugu yimid.

Waxaa maqaamka lagu soo dhaweeyey wasiirka oo hadal dheer oo wax gal ah kasoo jeediyay goobta. Mudane Khadar Macalin Cali waxuu si hufan uga waramey dhacdooyinkii ugu waaweynaa tobankii sano ina dhaaftey, isla markaasna waxuu bulshada siyaabo kala duwan ugu bidhaamiyey qiimaha ay leedahey nabad-galyadu & sida aan xaqeena ugu raadsan karno.

Waxuu kaloo carrabka kudhuftey in dhibaato fara badan oo gobolka ka jirta maanta ay sal u tahey xasilooni darida iyo nabad la�aantu. Waxuuna wasiirku dadka kula taliyey iney dalkii dib ugusoo laabtaan si ay wax kastaba indhahooda ugu arkaan, isla marahaantaasna uga qayb qaataan barnaamijyada horumarineed ee kasocda wadankii.

Markii wasiirku hadalkii dhameeyay waxaa bilaabey su�aalo
kala duwan oo ay dadku weydiinayeen wasiirka. Dhamaantoodna su�aalihii wasiirku si hufan ayu uga wada jawaabay taasooy dadkii meesha fadhiyay ay aad ugu wada qanceen, isla markaana kajaahil bixiyay waxyaabo fara badan oo ay tabanayeen.

Iskusoo duduuboo guud ahaan jawiga shirku wuxuu ku bilawdey kuna dhamaadey si nabad galyo ah oo dhamaan raali galisey dadkii goobtaasi iskugu yimid.


Godeynews.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com