San Diego: Shir Caalami ah oo Lagaga hadlayay xal uhelidda siyaasadda Gobolka Ogaden oo kadhacay San Diego, USA
September 8-9th, 2006 waxaa magaalada San Diego ee Gobolka California ee Maraykanka ka dhacay shir si wayn loo soo agaasimay oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo bini�aadamnimo ee dalka Ogaadenya.
Shirkaas waxaa si wada jir ah u soo wada qabanqaabiyey ururka Codka Nabadda ee Ogadenia ee afka Ingriiska loogu yeedho �Ogaden Voice for Peace� iyo Machadka Nabadda iyo Caddaaladda ee Joan B. Kroc ee jaamicadda San Diego (Joan B. Kroc Institute for Peace & Justice, University of San Diego).
Shirkan Shirka waxaa hal-ku-dhig u ahaa �Dadaalka nabad waarta oo ka dhalata Ogadenya� ama �Working Towards a Lasting peace in the Ogaden�. Waxaa lagu falanqeeyey xaaladda siyaasadeed, bini�aadamnimo iyo sidii nabad looga gaadhi lahaa dhibaatada faca wayn ee dalka Ogaadenya.
Waxaa shirkaas ka soo qaybgalay xeel-dheerayaal arrimaha Ogaadenya iyo guud ahaan geeska Africa, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gobollo kala duwan ee Maraykanka iyo Canada. Khubaradii iyo aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirkaas waxaa ka mid ahaa Abdi Mohamoud,(Mahamed Shiekh Axmad) oo shi shirka furay matalayayna ururka Ogaden Voice for Peace.
Ururkani waa urur isku xidhi doonaa jaaliyadaha Waqooyi mareykanka dagan ee danaynaysa xaqa ummada Soomaaliyeed ee gobokla Ogaden. Aad wuxuu ugu mahadnaqay umada balaadhan ee ka soo qayb qaatatay shirkan iyo in uu wakhtigii umadani ay soo dhawdahay. Dr Mohamed Mukhtaar Huseen oo ah asaasaha iyo madaxa Machadka Caalamaiga ee Cilmi-baadhista Somalida Ogaadenya (International Somali-Ogaden Studies Institute) wuxuu ka hadlay taariikhda dheer ee guumeystaha itoobiya uu u dagay ummada soomaaliyeed. Waxaa kale uu ka hadlay ummada Itoobiya in ay dad tirro yar ay maxaabiis u yihiin oo xuquudoodana ay ku tomato.
Saadiq Abdiraxmaan oo ah aqoonyahan u ololeeya xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Ogadenia, hawlo muhiim ahna u qabta ururka Ogaden Human Rights Committee. Said wuu soo hordhigay shirka waraaqihii heshiiska ee ingiriiska iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen iyo sidii ay arrintaasi bilaa sharci u ahayd Joyce Neu, Madaxa machadka Nabadda iyo caddaaladda ee Joan B. Kroc ee Jaamicadda San Diego ayaa ka hadashay inta khilaaf ee aduunka ka jirra eey dhex gashay. Joyce waxay la taliye u ahayd Madaxweynihii Mareykanka ee Jimmy Carter.
Iminkana dawladda Mareykanka gaar ahaan wasaarada arrimaha dibada ayaa ka codsatay in ay dhibka ka jirta Nepal iyo Uganda ay gacan ka geysato sidii nabad galyo loogu xalin lahaa. Labada gurri ee baarlamaanka ee mareykankuba way casuumaan si ay war uga bixiso khilaafyada Afrika ka jirra iyo tallo sidii loo xallin lahaa.
Herman J. Cohen oo ah diblomasi maraykan ah kuna xeel dheer arrimaha geeska Afrika. Ambassador Cohen wuxuu ka hadlay in uu go�aankii uu gaadhay in ay Eritrea ka go�do Itoobiya in uu ahaa arrin taariikhda gashay oo sax aheyd. Ambassador wuxuu kale oo uu sheegay in uu taageersanyahay in dadka afti laga qaado sababta oo ah weligood lama waydiinin waxay rabaan. Wuxuu kale oo uu balanqaaday in uu dagaal siyaasadeed inala gali doono. Waxaa kale uu ambassadorku yidhi in uu ururka Ogaden Voice for Peace ku caawin doono tallo siyaasadeed. Labada Maalmoodba ambassadorku wuu hadlay.
Fowsiya Abdiqaadir oo ah ka tirsan hawlo muhiim ahna u haysa ururka Ogaden Human Rights Committee qaybta Kanada, gaar ahaan xuquuqda Haweenka iyo carruurta. Fowsiya waxay ka hadashay dhibka qilaafkan dheere uu ugeystay dumarka iyo in culayska dumarka saran. Kathi Anderson oo ah madaxa ururka dadka ka badbaaday ciqaabaha (Survivors of Torture iyo Robert Montgomery oo ah maamulaha dib-u-dajinta dadka qaxootiga ah.
Dr Abdiraxmaan Jaamac barre, Wasiirka arrimaha Dibadda ee hore ee dalka Somalia- Dr. Barre wuxuu si faah faahin badan maalintii labaad uga hadlay dhibka dadka Soomaliyeed ey itoobiya guumeysato ay soo mareen isagoo sheegay in muddo dheer eey itoobiya dadka ay xuquuqdooda ay ku tumatay. Waxaa kale oo Dr. Barre ka hadlay inta jeer ee la isku dayay in xal arrinta Soomalida gobolka Ogaden laga gaadho.
Dr Ali Khalif Galaydh, Rasiisal wasaarihii hore ee dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee carta. Dr. Galaydh maalintii labaad ayuu si caalami ah uga hadlay siyaasada cusub ee Soomaliya haysata iyo lugta ay Itoobiya ku leedahay. Dr. Galaydh wuxuu si faaf faahin badan uga hadlay in ay ummada soomaaliyeed u baahantahay in ay iyagu dib isugu laabtaan si khilaafka ka dhexeeya iyaga ay u xalin lahaayeen.
Aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirka waxay halkaas ku soo bandhigeen xog iyo warbixin isugu jirta taariikh, falanqayn sidii dhibaatadu ku abuurantay iyo sida loo xalin karo iyo kaalinta dadka qurbo joogta ah ay ka gaysan karaan xallinta dhibaatada Gobolka Ogaden.
Dadkii goobta ka hadlay waxay dhammaantood qireen in shacbiga Soomaliyeed ay xuquuqdiisii maqan tahay, loona baahan yahay in loo ololeeyo sidii ay aayo-ka-talintooda ay dib ugu heli lahaayeen.
Waxaan xilli dhow soo gudbin doonaa sawirro kale oo shirka laga soo qaaday!!