Inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay inay kadanbeeysay bombkan ayaa hadana waxay dawladda Ethiopia mar walbaba eedeyn dusha uga tuurtaa dawladda Eriteria oo sida la ogyahay taageerta ururo kasoo horjeeda xukunka Zenaawi sida ururka OLF oo inta badan lagu eedeeyo qarxayada kadhaca hareeraha iyo deegaanada u dhow-dhow magaalada caasimadda ah ee Addisababa.
Sida muuqata mucaaradka kasoo jeeda qowmiyadda OROMIYA ayaa waayadan danbe abaabulkoodu badan yahay, isla mar ahaantana ay marar badan fuliyeen hawl galyo fara badan oo ay kaga soo horjeedaan dawladda.
Sidoo kale waxay kuguuleysteen inay ciidamada qaranka kasoo saaraan taliyaal sarsare oo qowmiyad ahaan kasoo jeeda Oromiya taasoo in badan siyaasadda Ethiopia lasocota kutilmaameen in jabhadda OLF ay abuurtay jawi ay kusoo kasbato dadkooda sarsare ee kujira maamulka hadda kajira Ethiopia.