Dhoobley: Abdi Shire oo ah Barre Hiiraale adeerkiis oo dhawac halis ah kusoo gaaray dagaalkii maanta ee Dhoobley illaa iyo hadana aan la ogayn meel uu cirib iyo jaan dhigay!!
Warsidaha Godeynews oo maanta iyo ilaa caawa si daba joog ah ula xiriirayay deegaanka Jubbada Hoose ayaa waxaan noosuurta gashay inaan soo uruurino waxii xog ahaa ee kusaabsanaa dagaalkii udhexeeyay maleeshiyaadka dooxada jubba iyo kuwa degmada Dhoobley.
Waxaa magaalada Kismaayo kasoo baxay maleeshiyaad wata in kabadan 30 tikniko ah iyo ciidamo fara badan oo sida lasheegayo rabay inay usii gudban gobalka Gedo oo meelo kamid ah ay kusugan yihiin saraakiil iyo ciidamo Ethiopian ah oo saanad iyo hub fara badan oo lagu kaalmeenayo maleeshiyaadka Kismaayo haysta uga keentay dhinaca ismamulka soomaalida.
Hubkan ayaa markii hore la rabay in lagasoo dejiyo garoonka diyaaradaha Kismaayo balse waxaa laga cabsooday hadalkii uu Sheekh Xasan Turki ideecadaha kasheegay inuusan Kismaayo u ogolaan doonin ciidamo shisheeya inay cag soo dhigaan, isla markaasna ay si degeg ah ciidamadiisu u tagi doonaan goballada xadudada la wadaaga Kenya iyo Ethiopia.