Baydhabo: Madaxwayne A/llahi Yusuf oo ka badbaaday qaraxyo banbaano oo isdaba joog ah!
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay oo uu kujiro Madaxwaynaha walaalkiis G/sare Jigle Yuusuf Axmed isku day lagu doonayay in lagu khaarajiyo Madaxwaynaha kumeel gaadhka ah ee Somalia A/llahi Yusuf Ahmed guriga Baarlamaanka hortiisa.
Qarax Baabuur ayaa ruxay banaanka hore ee guriga Barlamaanka Somalia, iyadoo kolonyo baabuurta Madaxwaynaha Somaliya A/llahi Yusuf halkaas ka dhaqaaqayeen. Hasayeeshee Madaxwayne A/llahi Yusuf waa uu ka badbaaday isku dayga dilkaas.
Qarax labaad ayaa isla markiiba ka qarxay meesha baabuurta ladhigto ee guriga Baarlamaanka una dhaw qaraxii hore. Qaraxan ayaa keenay in uu dab qabsado ilaa iyo shan baabuur. Waxaa la sheegayaa in dhaawac farabadan uu jiro, laganayaabo in dhimashadu sii korodho.
Wararka ilaa hada soo baxaya ayaa sheegaya in shan qof ay ka dhinteen dadkii madaxwaynaha lasocday oo uu ku jiro Madaxwaynaha walaalkiis G/sare Jigle Yuusuf Axmed oo ahaa taliyaha nabadgaliyada ee madaxtooyada, sida uu sheegay warsiirka arimaha dibada ee Somalia Mudane Ismaciil Hurre. Wasiirku waxuu sheegay in qorsha weerarkani uu ahaa mid ladoonayay in lagu dilo Madaxwaynaha.
Waxaa kaloo ku geeriyooday qaraxyadii maanta Sarkaal kale oo u dhashay wadanka Uganda kaasi oo katirsanaa Saraakiishii maanta lasocotay Madaxwaynaha.
Madaxwayne A/llahi Yusuf waxuu 10 daqiiqo kahor qaraxa khudbad kajeediyay gollaha Baarlamaanka oo kadoodayay siddii loo ansixin lahaa dawlada Ali Mohamed Geedi.
Fadlan GodeyNews kala soco waxii warar ah ee soo kordha.