GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
FAALO: Qaraxyadii Baydhabo iyo Madaxwayne C/llahi Yusuf oo wacad ku maray inuu Aar-Gudan doono!

Kadib weerarkii shalay (Sept 18, 2024) lagu qaaday kolanyaddii waday Madaxwayne C/llahi Yusuf, ayaa wararku waxay sheegayaan in xaalada magaalada Baydhabo ay aad u kacsan tahay!

Laba todobaad ka hor waxaa jiray dagaal 5 qof ku dhimatay 7 kalana ku dhaawacantay. Dagaalkan oo ka dhacay Garoonka Dayuuradaha ee Baydhabo, kasoo dhexmaray ciidanka gaarka ah ee Madaxwaynaha iyo Malayshiyo Beeleed Garoonka Dayuuradaha maamuli jiray. Dagaalkaas oo sababay in maamulkii Garoonka Dayuuradaha uu lawareego ciidankii Madawaynaha daacada u ahaa. Arintaas oo dhalisay cabsi wayn oo ku timid nolosha taliyihii ciidanka Garoonka Dayuuradaha qabsaday, taasoo keentay in Madaxwaynuhu si qarsoodi ah taliyihii ula baxsaday Nairobi si naftiisa loo badbaadiyo.

Hasayeeshee maamulkii gobolka Bay iyo Beesha Digil & Midhifle oo uu hormuud ka yahay Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade oo ka tirsan xukuumada rai'salwsaare Geedi ayaa wacad ku maray inay ka Aargudan doonaan kuwii kadanbeeyay xasuuqii dhalin yaradii lagu gumaaday Garoonka Dayuuradaha ee Baydhabo. Xildhibaan Xaabsade, Saransoor iyo rag kale oo ay arintu meel adag kataagan tahay ayaa ku hanjabay in C/llahi Yusuf iskaga huleelo Baydhabo, haddii kale xoog looga caydhin doono!

Waxaa kaloo jirta inay xurguf siyaasadeed kadhaxaysay Madaxwaynaha iyo Ra�iisal Wasaare Geedi, iyadoo Itoobiyaanka lagu tuhunsan yahay naas-nuujinta Prof. Geedi.

Haddaba, iyadoo arimuhu sidaa u cakiran yihiin, ayay dhacday shalay (Sept 18, 2024) isku daygii dilkii fashilmay ee Madaxwyne C/llahi Yusuf.

Madaxwyne C/llahi Yusuf oo ay kamuuqato wajigiisa argagax ayaa BBC da u sheegay in dhamaan dadkii gaadhigiisa lasocday ay waxyeelo soo gaadhay; qof walba oo naga mid ah meel ayuu ka gubtay. Sidaa waxaa yiri Madaxwyne C/llahi Yusuf. Waxaana wararku sheegayaan in Madaxwaynuhu lug iyo gacan ka gubtay.

Dadka madaxwaynaha ku dhawdhow waxay sheegayaan in dharkii Madaxwaynahu gubtay qayb ahaan, iyadoo Madaxwaynaha dhulka lagu galgal siiyay si loo damiyo dabkii ka holcayay dharkiisa!

Madaxwyne C/llahi Yusuf gaarigii waday oo Danbas noqday!


Wararku waxay sheegayaan in Madaxwaynuhu ku soo noqday baabuurtii gubanaysay kadib markii loo sheegay in walaalkiis G/Sare C/Salaan Ahmed Yusuf (Jigre) uu kamid yahay ragga gawaadhida gubanaysa kujira. Goob joogayaashii meesha shilku ka dhacay waxay sheegeen in Madaxwayne C/llahi Yusuf ilmeeyay aadna uga naxay dhimashada walaalkiis oo lasheegay inuu ahaa gacantiisii midig.

Dadka aqoonta uleh Madaxwayne C/llahi Yusuf waxay tilmaamayaan in C/llahi ay kasuurowdo inuu ku dhaqaaqo Aar-gudasho degdeg ah. Waxaa kaloo buuq iyo balaayo kale ka furantay Ansixintii Baarlamaanka ee dawladdii Prof. Geedi oo dhacday xilli uu mayd iyo dhaawac badani hordaadsan yahay guriga ADC ee lagu ansixiyay dawlada Prof Ali M. Geedi, iyadoo xoogaga shisheeyuhuna ay ka faaiiday sanayaan qaska iyo labka Somalida dhexyaala maanta!

Fadlan lasoco GodeyNews waxii ka soo kordha dhacdooyinka Somalida.

GodeyNews Staff

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com