GODEY: Labo Katirsan Shaqaalaha Ururka Caalimiga ah ee Laanqeyrta Cas oo Lagu afduubay meel udhow magaalada Godey!!!
Laba qof oo u shaqeeya ururaka caalamiga ah ee laanqayrta cas yaa lagu afduubay meel u dhaw magaalada Godey markay taarikhdu ahayd 18 bishan September.
Labada shaqaalha ah yaa u kala dhashay dalka Ireland iyo Itoobiya waxaana la sheegaya in ay dad hubaysani ka afduubeen meel u dhaw Godey.
Urarka laanqayrta cas yaa sheegay in ay hakiyeen hawshii ay kawadeen dhamaan deeganka Soomaalida ee Itoobiya, saas waxaa yidhi Patric Megevand oo katirsan laanqayrta cas ee caalamiga ah. Ururka yaa shaqo samafal ah kawaday meelo kamid ah deegaanka Soomaalida in ka badan 10 sano.
Dhinca kale, nin oo hadlay dawalada Itoobiya oo lagu magacaabo Zemedkun Teckle yaa sheegay in aan wali la hubin in afduubkan ay ka dambaysay jabhada ONLF iyo in kale. Waxa uu intaa ku daray in wali u socdo baadigobka shaqaalaha iyo baadhis ay wadaan ciidamada amaanku.
Afduubka shaqaalahan yaa laga yaaba in uu cabsi hor leh galiyo shaqaalaha shisheeyaha ah ee doonaya in ay hawlaha samafalka ka fuliyaan deegaanka kuwaas oo markii horebe ay xakameeyaan colaada ka jirta gabalka ee u dhaxaysa ONLF iyo ciidamada dawlada Itoobiya.