Diyaar garowga Muslimiinta aduunka ee Bisha Ramadaan!
Ramadaan ama Soon waxay ku aadan tahay bisha 9aad ee sanadka Islaamka, waxayna bilaabataa marka la arko Dayaxa cusub. Ramadaanka Sanadkan waxaa la filayaa inuu bilowdo maalinta Sabtida September 23 ama Axada September 24, 2006.
Islaamku waxaa uu jideeyay in la SOOMO bisha Ramadaan, marka laga reebo Dumarka uurka leh, dadka jiran iyo caruurta aadka u da�da yar. Iyadoo dadka aadka u gaboobay ee aan soomi karina looga baahan yahay inay wax bixiyaan maalin walba bisha Ramadaan sida afurinta qof sooman ama wax u dhigma � (iyadoo hadba culimada lala kaashanaayo sida ay arintaasi sax ku noqonayso).
Waxaa haboon in si hufan loo darso waajibaadka, shuruucda iyo khayraadka ay xanbaarsan tahay bishan barakaysan ee Ramadaan, iyadoo ay tahay wakhtigii ugu haboonaa ee qof walba oo muslim ah uu kafaa�iidaysan lahaa bishan sida kordhinta cibaadaysiga iyo u dhawaan shaha Alle. Si gaar ah, Ramadaan waa tababar uu qof walba uga faa�iidaysanayo inuu naftiisa u tababaro cabsida Alle.
Allaha wayn hanaga dhigo kuwa bishan ka faa�iidaysta wanaagyada ay xanbaarsan tahay, cibaado badana layimaada Illaahayna oogu danbi dhaafo. Ammiin!