Kismayo: Ciidamada Maxaakiimta Sheekh Xasan Turki oo JILIB isa soo dhoobay iyo Barre Hiiraale iyo Maleeshiyo-beeleedkiisii oo U baqday dhinaca Airportka Kismaayo!!!
Wariyaha warsidaha Godeynews ee magaalada Kismaayo ayaa saacad kahor noo xaqiijiyay in Barre Hiiraalle iyo maleeshiyo beeleedkiisiiba ay magaalada kabaqadeen una baqdeen dhinaca Airportka Kismayo.
Kadib markii si daba joog ah illa iyo xalay loo xaqiijinayay in Ciidamada maxaakiimta Islaamiga ah ay xalay soo gaareen degmada JILIB iyagoo wata gaadiid dagaal iyo ciidan fara badan oo kuwada labisan dirayska ciidamada milatariga, isla markaasna u badan guutada dagaalka ee AL-SHABAAB.
Hal saac kahor maray Godeynews xiriir lasemaysay masuuliyiinta sarsare ee ciidamada maxkamadaha mid kamid ah waxuu noo xaqiijiyay inay kusugan yahay JILIB ayna kusoo dhaqaaqayaan dhinaca magaalada dekadda ah Kismaayo ee ay inta badan maleeshiyo beeleedka Gulgudud katalinayeen.