Caanaha geelu waa mucsjiso laga yaaban yahay faa�iidooyinkoodu, marka la eego qaddarka fitamiinka C ee ku jiro 3.5 mg kiiba oo la eg 100 ml. Caanaha geela dhaqanka carabta waxaa loo haystaa inuu ku fiican yahay galmada (aphrodisiac), soomaalida dhexdeedana waa cabitaanka keliya ee aad siin karto martidaada qaaliga ah.
Kazakhstan waxaa caanaha lagu daaweeyaa cudurka feedhaha ama TB. Hindiyana waa antidote typhoid (daawaynta cagaarshowga) iyo Pakistan oo lagu daweeyo xanuunka Juandice loo yaqaan.
Geel dhaqatadu sida caadada u ahayba horay aya u yaqaaneen faa�iidada caafimaad ee caanaha geela ka hor intaan cilmiga daawadu horumar samayn, ayagoo aqoontooda soo jireenka (indigenous knowledge) jiilba jiil u gudbinayay. Laakiin cilmiyahanadu xiliyadan danbe oo aad ayay u danaynayaan faa�iidada aan la koobi karin ee caanuhu u leeyihiin unugyada difaaca jirka.
Waxaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 30-100 jeer wax ka badan qaddarka ku jira ee maadada lactoferrin marka la barbardhigo caanaha lo�da inta laga heli karo. Lactoferro waa maaddo birr ah oo waayadan dambe la iqtiraacay oo protein wadata, taaso la ogaaday inay lid ku tahay maadooyin badan oo cudurro keena.
Waxaa si gaar ah xiiso u leh awoodda ay u leeyihiin tirtirista diabetka (cudurka sonkor macaanka) da�da yar kaasoo ku soo badanayo dunida weliba dhanka qaaradda Aasiya iyo dadka dabaqadda dhexe u badan. Cudurada kale ee ay wax ka tareen waxaa ka mid ah wayaalaha ka yimaada falgalada jidhka (Autoimmune) sida sclerosis oo ka dhasha xuubabka adkaaday oo in badan soo gubtay, cudurada sida crohn�s, prsoriasis,lupus, xasaasiyadda jidhka, kansarka maqaarka, iyo weliba Aydhiska (AIDS) ayaa la sheegay inay wax ka tari karaan..
Jokolataatada Geela (Camel chocolate)
Warshad caanaha iyo waxyaalaha la halmaala samaysa oo ku taal dalka imaaraadka (UAE) iyo shirkad soo sarta jokolaatdada oo Awstreeliyaan ah ayaa waxay dhawaan kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo soo saaris jokolaato. Intaa waxaa dheer ayadoo laga samanayo noocyo kala duwan oo cunto iyo cabidba leh si waxtarkoodu looga faa�iideysto.
Haddaba annagoo qormo dheer ka diyaarinay waxayaalahaas oo idil waxaan ku horumaraynaa cudurka xasaasiyada cuntada, kuna xijin doona cudurada kale ee la baaray illa hadda uguna dambeysiinayna wxayaalaha laga sameeyay caanaha ee dunida ku soo kordhaya.
Xasaasiyadda cuntada laga qaado
Sida ay sheegayso warbixinta Cilmi baadhis lagu sameeyay magaalada Beer-sheva ee dalka Israa�eel, laguna daabacay wargeyska daawada ee Israa�iil oo la yidhaahdo (IMJ), Caanaha geelu waxay daawa u yihiin xasaasiyadda (allergies) cuntada laga qaado, taasoo lagu soo bandhigay warbixintan sida caanuhu ay dhaqan celin ugu sameeyaan unugyada difaaca ee jidhka caruurta.
Dhammaan caruurtii lagu sameeyay tijaabadan waxay ka soo kabteen noocyada ugu halista badan xasaasiyado kala duwan muddo gaaban gudahood, ka dib markay cabayeen caanaha geela..Tani waxay keentay in cilmi baadhayaashu baaritaan kale oo ka badan tiradii hore ee caruurta ay ku sameeyaaan xarunta daawada Jaamacadda Soroka si loo xaqiijiyo waxtarku inta uu la eg yahay.
Seddexdan dhakhaatiir iyo dhakhtar cudurada xoolaha ah oo kala qaybqaatay daraasadda ayaa maqaal ay ku qoreen Jariidadda daawada ee Israa�iil ku sheegay in cabidda caanaha geelu awood u leeyihiin in ay adkeeyaan unugyada difaaca cudurada ee caruurta.
Nasiib darro Caanaha iyo hilibka geela midina xalaal uma aha dadka aaminsan diinta yuhuudda oo shayga loo xalaaleeyay ugu yeedha (kosher). Halka lo�da, idaha iyo arigu uga yihiin ayadoo taas qiilka ku sgeegtay in geelu calalnaqsado. taasina waxay keentay in guddigu weydiisto wadaadada sare ee dalka in loo xalaaleeyo dadka cunista iyo cabsita geela.
Waxaase muran keentay markay dhakhaatiirtu warbixintooda ku xuseen qaab samaysanka caanaha inay ka duwan yihiin sidaa diintu u sharaxday oo ay ku jiraan dufan ka yar 2% oo ka kooban maadada aysiidhka oo culus oo aan miirmin, taasoo laga arki karo midabka caddaanka sooca ah ee caanahan u gaarka ah.
Maadada lactose ama sonkorta caanaha oo isku cufan ayaa ku jirta qaddar dhan 4.8%, laakiin si fudud ayay u difaacdaa dadka qaba u dulqaadasho la�aanta laktooska.
Sidoo kale qaddarka barootiinka ee caanaha geela ku jira ayaa muhiimadda ugu badani tahay taasoo awood u leh inay ka hortagto oo daaweyso xasaasiyadda cuntada.
Intaa waxay ku dareen dhakhaatiirtu in caanaha geela aysan ku jiran maadooyinka beta-lactoglobulin iyo nooc kale oo la yodhaahdo beta-casein oo ah labada maaddo oo caanaha lo�da ku jira ee sababa xasaasiyadda.
Caanaha geelu waxay sidoo kale qani ku yihiin fitamiinka C, Calcium iyo maadada birta iyo tiro badan oo ah waxa luqadda daawada u taqaan immunoglobulins (antibodies) ama difaaca jidhka.oo la falgeli kara nooca banii�aadamka iyo walaxda yar yar (molocules) ee si fudud u geli kara marinada dhiiga ee xididada. raaca.
Mararka qaar xasaasiydaha fudud waxay keenaan fal celis ku dhaca jirka sida asagoo is beddela laakin qaarkood aad ayay qatar u yihiin waxayna sababaan argagax ku yimaaada anaphylactic daqiiqado gudahood. Ama hadduu daahaba laba saacadood kaasoo halis ah.
Waxaa kaloo jirta ayana in tiro yar oo carruurta da�da yari uu ku dhaco cudurada xasaaiyadda ee cuntada laga qaado taasoo samaysanta marka unugyada difaaca jidhku falcelis ku sameeyo maadada proteinka ee ku jirta caanaha iyo cuntooyinka kaleba si halis ku ah jidhka,oo ka shaqaysiinaysa qaab-dhismeedka jidha difaaca si uu u ilaaliyo inuu infekshin yimado (pathogen).
Waalidiinta sideed caruur ah oo u dhaxaysa da�da afar bilood illaa 10 sano oo ay qaba xassasiyadda cuntada oo hore wax ugu tari weysay daaweynta caadiga ayaa ugu yimid dhaqaatiirta talo. Astaamaha ay ku arkeen caruurtoodana waxaa ka mid ahaa maqaarka oo qalala (skin rashes) lactase oo ku yar, isku dhafka dhacaanka oo dheelitirayn iyo calaamadaha Neefta (Asthma symptoms). Ilmo afar jir ayaa wuxuu luminayay dhiig iyo dhacaan badan oo shuban joogta ah wata. Gabar yar oo si gaar ah looga keenay Maraykanka waxaa si xun u hayay xasaasiyad ay ka qabto cuntadoo idil marka laga reebo in yar.
Waalidiinta waxaa la siiyay caano geel oo la qaboojiyay oo ilo nafaadadeed soo maray waxaan loo sheegay inay dib u sii qaboojiyaan oo aysan kululayn, maxaa jira kulaylku wuxuu burburinayaa ilaalada unugyada dhiigga iyo proteinka .24 saacadood gudahood markay qaateen daawayntii ugu horeysay carruutoo idil waxay muujiyeen calaamadihii cudurka oo hoos u dhacay, afar casho ka dibna calaamadihii xasaasiyadad cuntadu way baaba�day sisay u dhanayd.
Sida ay wariyeen dhaqaatiirtu dhammaan ka qaybgalayaasha sahankan waxay sii wadeen cabista caanaha geela bilo. Soo bogsashadooduna wuxuu ahaa waxaan la qiyaasi karin taasoo yidiiidiilo gelisay cilmi baarayaasha guusha ay gaadheen.
Waxayse intaa ku dareen in hal dhibaato ay ka hortaagan tahay in aad loo isticmaalo caanaha geela taasoo ah inaan la fadhiisiin karin si loo dilo pathogens ama (infection wada) maadaama kulaylku dilayo maadooyinka ugu muhiimsan. Haddise ay wasaaradda caafimaadku u oggolaato iibinta iyo wax ku daaweynta waa inay beddelaaan shuruucda oo idil gaar ahaan marka la eego sida loo qaboojinayo.
Taas waxaa dheer, maadaama kosheer aysan ahayn (xalaal ahayn) dad badan oo yuhuud ah ma siin doonaan caruurtooda. Haddayse naftooda badbaadinayso kana hortagayso curyaanimo ku timaaddo dhashooda waxaa la rajaynayaa in wadaadada diintu(Rabbi) ay u tixgeliyaan daawo ahaan ayna u oggolaadaan arrimahaas gaarka ah.
* Waxaan ka soo turjumay cadadkii �7aad ee Israel medical journal (IMAJ)
Caanaha geela oo lagu daweeyo cudurka sokorta (diabetes)
Waxaa cusub iyana mucjisada caanaha geela oo baadhis cilm casri ah markii lagu sameeyay lagu xqiijiyay in ay u muuqdaan inay ku jiraan darajada Insulinka ama Insuliinka u eg proteinka kaasoo awood u leh inuu u gudbo caloosha asagoon burburin.
Aysiidhka calooshu wuxuu sida caadada ah burburiyaa Insulinka, taasina waa sababta kaliftay baadhis dheer ka dib in la ikhtiraaco Insuliin afka laga qaato.
In ka yar bil gudahood baadhitaan kale oo lagu sameeyay dad qaba nooca 1aad ee diyaabeetka waxay muujiyeen cabitaanka caanaha geela inay wax ka beddelaan darajada macaanka ee dhiigga ayagoo hoos u dhigay baahida ay u qabaan qaadashada Insulinka.
Caanaha geela iyo cudurada Kansarka iyo Aydhiska
Bal haddaba aan eegno waxyaalaha illaa hadda laga sameeyo caanaha geela jalaatada (Camel ice creams).
Jalaatada caanaha geela waxaa marki ugu horeysay soo saarkooda bilaabay saynisyahan dalka Israa�iil u dhashay oo la yiraahdo Reuven Yagil, laakiin xarunta cilmi-baadhista caanaha geela ee Bilkaner ee dalka India, ayaa egga bilaabay soo saarista caana geel macaan lagu milay jalaato.
Hilibka Geela oo dufanku ku yar yahay
Maadaama hilbka geelu uu ku yar yahay maadada dufanka ee loo kolestrool (Cholestrol) . Sida darteed hay�adda Awstrelilya u qaabilsan cudurada wadnaha ku dhaca ee la yiodhaahdo Australia Heart Foundation, ayaa waxay ku talinaysaa in hilbka geela wax weyn ka tari karo cudurada wadnaha kku dhaca sida falagga, wadna istaagga iwm oo dunida reer galbeedka ah ku soo badanaya ama la dhihi karaa waa cudurada dilaaga ah ee ugu horeeya.
Noocyo cusb oo cuntaooyin fudud ah oo hilibka laga sameeyay ayaa cunistoodu aad u soo badanynaa sida Canburgers iyo Cumfurters ayaa ka mid ah oo shirkadda Mcdonald Australia ay il gaar ah ku hayso siday ugu dari lahayd liiskeeda cuntada.
Cuntooyinkan fudud oo markoodii hore ay soo saareen koox saynisyahanno ah oo uu hogaamiyo Professor Faarax oo ka tirsan machadka federaalka farsamada ee dalka Iswitzerland.
Saliidda Geela iyo waxyaalaha la isku qurxiyo
Saliid Geela ayaa laga soo saaray dalka awstareeliya oo ka dufan yar (cholestrol) saliidaha xoolaha kale ee cuntada lagu karsado aya ayaduna suuq weyn inay dunida ku yeelato laga filayaa. Taasoo loo isticmaali karo soo saarista saabuunaha, kareemyada, cadarada iyo waxyaalo kala gedisan ee isqurxinta (cosmetics) oo siska daa dadka caadiga ah xitaa loo isticmaalli karo jidhka xasaasiga ah ee caruurta.
Haddaba qorhe lagu abuurayo mashruuc soo saara kosmetikiska ayaa waxaa bilaabay Nancy Cabdiraxmaan oo madax ka ah Tiviski Dairy.
Farmaajada caanaha geela (Camel Bert )
In caanaha geela laga sameeyo farmaajo ama (cheese) way adag tahay oo ma sahlana sababo badan oo la xiriira maadooyinka ku jira oo u khaas ah ayaga keliya.
Haddaba Tiviski oo dalka muuritaaniya ayay waxay ka samaysay caanaha geela wax soo saar kala duwan oo casri ah. Warshaddu waxay ka soo gadatay geel, lo� iyo ariba xoola dhaqatada ka dibna waxay ka samysay waxyaabo kala duwan sida caana fadhi ah, yugurt, farmaajo jilicsan oo loo bixiyay (Camelbert), taasoo noqotay waxyaalaha ugu sareeya wax soo saarkeeda.
Godeynews.com
Qore Faarax Cabdisamed (Kanada)
|