UJ: Cadayn mawqifka beesha Absame ee gobolada Jubooyinka
1- Kadib markay beesha Absame aragtay nidaamka iyo cadaaladda ay maxkamaduhu ka aslaaxiyeen magaalo madaxdii umadda Soomaaliyeed ee ay ku amar ku taaglaynayeen mudada lix iyo tobonka sano ah dagaal oogayaashii madaxa kaga taagnaa shacabka
2- Kadib markay dawladda ku meel-gaadhka ah nabad ay Soomaaliya ka aslaaxiso daayoo ay la safatay dagaal oogayaashii kala gaabiyay umadda Soomaaliyeed oo uu Bari Hiiraale ka mid yahay, go�aansatayna inay wadanka ku soo horqaado cadowgii qaranka Soomaaliyeed
3- Kadib markay cadaatay in labada garab ee maanta Soomaaliya isku hayaayi ay kala wataan laba nidaam oo Maxkamaduhu aaminsanyihiin in kitaabka Alle la is ku xukumo garabka kalana rabo nidaam gacan ku samays ah oon Illaah raali ka ahayn beesha Absame waxay qaadatay inay la safato cida aaminsan ku dhaqanka diinta Alle.
Sidaa daraadeed waxay beeshu deegaamadeeda ( J/dhexe, J/hoose, Gedo iyo Bakool) gacmo furan ku soo dhawaynaysaa maxkamadaha islaamiga ee uu hor kacayo Sheekh Xasan Turki.
Waxaan faraynaa dhamaan bulshada Absame dal iyo dibadba inay taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagaan nidaamka Islaamiga ah ee laga hirgalinayo guud ahaan geeska Africa gaar ahaanna Soomaaliya.
Waxaan u sheegaynaa Bare Hiiraale inuu hubka dhigo dhib la�aanna uga baxo magaalada Kismaayo inta uu jaaniska haysto una noqdo deegaankii uu ka yimid hadii kale uusan heli doonin meel uu ku baxsado marka xoogagga maxkamadaha ee uu hor kacayo Sheekh Xasan Turki laadka ku dhuftaan.
Si loo baajiyo dagaal sokeeye oo dhex mara beelaha wada daga gobolka Gedo, waxaan walaalahayaga beesha Sade uga digaynaa inay gacan siiyaan ama u hiilyaan Bare Hiiraale oo ah nin dulmi ku jooga deegaan uusan u dhalan rabana inuu ku soo hor-qaado ciidamo shisheeye.
Waxaan sidoo kale uga digaynaa dawlada Cabdullaahi Yuusuf inay soo dhex gasho kacdoonka lagaga takhalusayo Bare Hiiraale oo xoog ku haysta dhul uusan u dhalanin, hadii ay taasi dhacdana waxay beeshu taageeri doontaa wax kasta oo ka dhan ah dawladda ku meel gaadhka ah.
Waxaan uga digaynaa ciidamada ajinabiga ah inay soo galaan guud ahaan ciida Soomaaliyeed gaar ahaanna deegaannada beesha Absame hadii ay taas ka dhaga adaygaanna waxaan u sheegaynaa inaan la jihaadayno.
Waxaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed u soo jeedinaynaa qaadashada iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ah midda kaliya ee cadaalad iyo nabad waarta lagaga islaaxin karo dhexdeena.