Ugaaska beesha Sadde, ahna afhayeenka salaadiinta beesha Daarood Ugaas Maxamed weli Sheekh Axmed Nuur ayaa maanta ka soo saaray magaalada Muqdisho war saxaafadeed ku wajahan mowqifka uu ka taagan yahay xiisadaha colaadeed ee gobolada Jubooyinka ka soo soo cusboonaday kuwaasoo u dhexeeya ciidamada golaha maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed iyo Isbaheysiga dooxada Jubba.
Isagoo ugu baaqay beelaha ku dhaqan goboladaasi iney taageeraan maxkamadaha Islaamka, meelna iska dhigaan wax uu ku tilmaamay wararka lagu jahwareerinayo ee sheegaya in beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay duulan ku soo yihiin deegaanadaas, wuxuuna war saxaafadeedku u qornaa sidatan :-
WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY XAFIISKA BEESHA SADE EE GOBOLKA BANAADIR.
24/09/06
Sida aan wada ognahay markii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya, dalku wuxuu gacanta u galay dad aan xilkas aheyn, kuwaasoo ah doqomo dhuuni qaatayaal, diin laawayaal, gaalo raacyo ah.
Waxayna la wareegeen mas�uuliyadii guud ee dalka iyagoo gacan ka helayay cadowga ilaahay iyo cadowga muslimiinta, wax magaratadaas dhuuni qaatayaasha ahi, waxay u adeegsadeen mas�uuliyadii ay xoogeen dhinac kasto oo xun, dadkan aan xilkaska aheyni dalka waxay gaarsiiyeen 16-kii sano ee dowlad la�aanta meel aad u hooseysa oo ay adagtahay sida looga soo noqdo haddii uusan helin dalku nasriga ILLAAHAY iyo dad xilkas ah, dadkaas doqomada ahi xaq uma lahan inay sii xukumaan shacabka Soomaaliyeed taageeraana la siiyo.
KACDOONKII MUQDISHO IYO NASRIGII ILLAAHAY.
Kacdoonkii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay hogaaminayeen Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaa looga adkaaday ILLAAH fadligiisa dagaal oogayaashii Gaala raacyadda ahaa, ILLAAHAY mahadii haka gaadhee Maxaakiimtu waxay qaadeen talaabo wanaagsan isla markaana waxay fureen albaabkii iftiinka iyo Cadaaladda illaa iyo xad. Haddaba waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu ku qanco ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo hirgalinteeda waana in si buuxda loo taageero Maxaakiimta Islaamiga ah, si looga boxo dhibaatada iyo burburka lix iyo toban jirsaday, loona soo celiyo Midnimaddii, Qaranimadii iyo sharaftii umadda Soomaaliyeed.
XAALADDA KISMAAYO
Magaaladda Kismaayo waxay ahayd illaa iyo sideed sano magaaladda koowaad ee mataanaha la�ah magaaladda Muqdisho waxaanan rajaynaynaa haddii ALLE idmo inay ku qanacdo isbadalka ka dhacay magaaladda Muqdisho lana jaan qaado, wacyi galin badan oo ay ku sameeyeen odayaasha dhaqanka, culumaa�udiinka iyo aqoonyahanada ka soo jeeda Beelaha Sadde waxaa suurta gashay fadliga ILAAHAY 90% inay soo dhaweeyaan Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxana, waxay xaqiijinayaan inay ka soo bexeen dhamaan culimadii ku jirtay gudaha Kismaayo waxayna ku soo biireen ciidamadii Maxaakiimta, sidoo kale waxaa taageero buuxda muujiyay middowga Ganacsatada Kismaayo, waxaa kale oo shirar kala duwan u socdaan odayaashii dhaqanka waxaana lagu rajo weyn yahay inay soo saaridoonaan wax wanaagsan sidoo kale waxaa si gooni gooni ah isu diyaariyay inay ugu biiraan Ciidamada Maxaakiimta Beela ka mid ah Beelaha Sadde, waxayna si cad u sheegeen inay hubkooda iyo Maleeshiyadooda ku wareejin doonaan Maxaakiimta markay soo gaaraan Magaaladda Kismaayo, rajada ka muuqanaysa Beesha Sadde ee ku nool Magaaladda Kismaayo iyo Ciidamadda Maxaakiimta ee ku sii jeeda Jubooyinka waxaa laga rajaynayaa inay ka dhacdo nabad iyo is afgarad wanaagsan.
BAAQ
Waxaan ugu baaqayaa Beelaha Sadde meel kasta oo ay joogaan Qodobadda soo socda:-
1. Waa inay si buuxda u taageeraan Ku dhaqanka shareecadda Islaamka iyo hirgelinteeda, isla markaana waaa inay garab istaagaan Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed.
2.Waxaan ugu baaqayaa inaysan ku hodmin farsamooyinka uu shaydaanku adeegsado, kuwaas oo ah reer hebal baa nagu soo duulaya, waxaa la rabaa in nala gumeeyo iyo gabdhaha nagu guur ma leh IWM.
3. Waxaan u caddeynayaa Beelaha Sadde barnaamijka Maxkamaduhu inuusan ku salaysnayn aargoosi iyo Qabyaalad, balse uu ku salaysan yahay ku dhaqanka shareecadda Islaamka iyo hirgalinteeda, la dagaalanka Cadaalad darada iyo u gargaarida Cadaaladda, waxaan rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed dhamaantiis inuu sidaa u fahmo.
F.G. waxaan uga digayaa Beesha Sade iyo Umadda Soomaaliyeed in laga horyimaado Maxaakiimta Islaamiga iyadoo la kaashanayo Dagaal oogayaashii Diin laawa yaasha ahaa iyo Cadowga Itoobiya iyo Wixii la mid ah, Maxaakiimta Islaamiga waxaan kula talinayaa inay ku dadaalaan taxadar badana ka yeeshaan talaabo kasta oo ay qaadayaan iyagoo ka duulaya Kitaabka ALLE iyo Sunada Nabiga (CSW) si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.
Ugaaska Beesha Sadde Ahna Afayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood. Ugaas Maxamed Wali Sh. Axmed Nuur.
Xigasho: Dayniile.com
|