Guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga dooxada Jubba Yuusuf Mire Maxamud Seeraar ayaa shaaciyay in uu bur buray maamulka isbahaysiga dooxada Jubba oo ka talinayay gobollada Jubooyinka, xilli ciidamada maxaakimta islaamiga ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo si ay ula wareegaan.
Xildhibaan Seeraar ayaa sheegay in Barre Hiiraale kiligiis ay u taallo haddii uu dagaal lagalo ciidamada maxaakimta ee ku soo foolka leh magaalada Kismaayo,isagoo xusay in wasiirka gaashaandhiga dawladda kmg qalad laga faham siiyay u jeedada maxaakimta islaamiga oo gacanta ku haya inta badan dalka Soomaaliya.
"Barre qalad ayuu ka fahamsan yahay u jeedka maxkamadaha, waana ka dhaadhicin weynay qorshaha maxkamadaha islaamiga ee ka taliya inta badan dalka Soomaaliya" ayuu yiri Seeraar oo ku sugan magaalada Kismaayo.
Taliyaha ciidamada isbahaysiga dooxada Jubba Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo isagana la hadlay saxaafada ayaa mar kale ku celiyay in maxkamadaha islaamiga uu ku soo dhaweynayo magaalada Kismaayo,isagoo sheegay in maxkamadaha ay u taallo cida ay u dhiibanayaan talada gobollada Jubooyinka.