Ciidamadan ayaa marka hore raba inay gacanta kusii dhigaan degmada Jamaame amaankeedana sii sugaan, isla mar ahaantaana hub dhigis kusii sameeynaya waxii maleeshiyaad ah ee kusugan deegaankaas mudada dheerna dadka ku dhibaateyn jirey.
Madaxda sarsare ee maxaakiimta oo u horkacayo Sheekh Xasan Turki ayaa maanta soo gaartay deegaanka Kabsuuma dadweynaha magaaladana ay dariiqyada iyo wadooyiunka safnaayeen iyagoo raba inay maruun arkaan xoogaga maxaakiimta iyo madaxdooda oo ay in badan imaantinkooda sugayeen.