"Kismayo waxaa loo xoreeyay shareecada islaamiga. Waxaana laga xoreeyay dulmigii dagaal oogayaashu ay inta badan kuhayeen" Sheekh Xasan Turki hadalkiisii u kajeediyay beerta xoriyadda kismaayo;
Sheekh Xasan Turki ayaa horay warbaahinta uga sheegay in isaga loosoo magacaabay goballada jubooyinka oo deegaan ahaan kasoo jeedo xilli dhowna u kunoqon doono magaalada Raaskanbooni oo ah fariisinka ciidamadisa. Sidoo kale waxu Sheekh Xasan Turki sheegay inuusan marnaba u ogolaan doonin in dekadda iyo Airportka kismaayo ay ciidamo shisheeya hub kasoo dejiyaan maxaakiimta islamiga lagula dagaalami doono, isla markaasna ay cidamadisu xirayaan dhamaan dhulka xaduudada ee ku aadan goballada jubooyinka iyo Gedo.