Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed oo Allaah uu u suurta geliyay in ay lawareegaan Maamulka Gobolada Jubbooyinka ayaa durba waxaa soo gaaraya Codsiyo fara badan.
Magaalada Kismaayo oo ay kusugan yihiin qaar katirsan Isbaheysigii la oran jiray Dooxada Jubba oo lagu dhawaaqay in uu burburay ayaa waxa ay codsi u soo gudbiyeen Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Col.Cabdi Cigaal Jaamac oo kamid ahaa Isbaheysiga Dooxada Jubba ayaa ka codsaday Golaha Maxaakimta in uu lashaqeeyo isagoo balan qaaday in hubkiisa iyo Ciidamadiisa uu ku wareejin doono Maxaakimta.
Saraakiisha katirsan Golaha Maxaakimta oo aan weli wax jawaab ah ka bixin arrintaasi ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ka shiraan sidii ay hubka ugala wareegi lahaayeen Shaqsiyaadka kusugan Magaalada Kismaayo ee iyagu halkaasi hubka ku heysta iyo sidoo kale Maleeshiyaadkii kasoo haray Barre Hiiraale oo Madax u ahaa Isbaheysigii la oran jiray Dooxada Jubba.
Golaha Maxaakimta oo la wareegay Magaalada Kismaayo ayaa waxa horyaalla sidii ay hubka uga uruurin lahaayeen Magaalada Kismaayo iyo sidii halkaasi ay Maxkamado Islaami ah uga dhisi lahaayeen si ay u difaacaan haddii rogaal celis Dagaal uu halkaasi yimaado.