Magaalada Kismaayo ayaa maanta gabalku uu caadi ugu dhacay, waxaana weli socda Dejinta ciidamada maxaakiimta goob kala gedisan oo kamid ah hal-bawlayaasha magaalada Kismaayo.
Waxaana loo qaybiyay sidatan; Dekada Waxaa la geeyay ciidan aan tiradooda lashaacinin iyo 12 Gaari oo Labo beebe ay yihiin, Ciidmadaasi waxaa taliye u ah, Qorane Ibraahim Biixi Airport-ka magaaladda Waxaa Jooga ciidanka al-shabaab oo wata 35 Baabuur oo shan beebe ay tahay, Askari oo u badan Guutada Shabaabka la yiraahdo, Waxaana gacanta Ku Haya Adan xaashi ' Cayroow' Madaxtooyada oo ah fadhiga golaha Maxaakimta waxaa Jooga ciidamada maxaakiimta qeybtooda khaaska oo u badan ilaalada sheekha Xasan Turki, waxayna kuhubaysan yihiin gawaarida dagaalka iyo waliba bodygaarada sida gaarka ah u tabaran, Waxaa sidoo kale Ciidamo u dhaqaaqay sadaxda xuduuda ee Somaliya iyo kenya u dhaxeeya, Amuuma: oo ah xadka waxaa la geeyay ciidan xoog leh iyo 15 Tikniko ah, ciidankaasi waxay ilaalinayaan hadii wax Cidan ah oo IGADSOM ah ay ka soo gudbaan dhinaca Kenya, Dhoobleey: Waxaa la geeyay ciidamo fara badan oo sita ugu yaraan 22 Tikniko ah oo iyagana kormeeri doona isla markaasina isha ka ilalain doona dhaqdhaqaaqa hadii uu ka jira dhinaca Kenya, Diif: Waxaa la geeyay ugu yaraan 18 gawaarida dagaalka iyo waliba ciidamo aan tiradooda lasheegin kuwaasoo la socon doona ilaa dhaqdhaqaaqa Gedo, Kulbiyow: Ugu yaraan 20 tikniko ah iyo ciidamo aan lasheegin tiradooda lana socondoono dhaqdhaqaaqa xaduudka Kenya-Soomaaliya, isla mar ahaantaas wada shaqeyn toos ah layeelan doono ciidamada khaaska ah ee kusugan Raaskanbooni
Jilib: Uga yaraan 40 tikniko ah iyo ciidamo balaaran oo uu madax kayahay Sheekh C/risaaq Bajamaas kuwaasoo lasocon-doono dhaqdhaqaaqa ciidamada cadawga Ethiopia oo Baydhabo laga filayo.
Warkan waxaa Shabakada Godeynews u xaqiijiyey, afhayeenka Maxaakiimta ee Jubooyinka Sheekh Ibraahim Shukri oo loo yaqaano Abu-Zaynab, waxaa sidoo kale caawa Kismaayo soo gaaray Labo doon oo ay la socdeen culimo ka timid Magaalada Raaskambooni oo ah hooyada Maxaakiimta Jubooyinka, waxaana horkacaya, Sheekh Axmed islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe,, Waxaana caawa salaada taraawiixda ka dib lagu wadaa in Kulan balaaran ay ku qaataan Xarunta Madaxtooyada xubnaha sar sare ee Maxaakimta, Waxaa sidoo kale berito la filayaa Inuu Kismaayo soo gaaro Abu Dijaan. oo ah wadaad ka tirsan golaha shuurada ee Maxaakiimta, Maxamed Cabdi, Godeynews.com Kismaayo.
Waxii warar ah ee cusub kala socda qormooyinka danbe ee Godeynews.com
|