"Waxaan ciidanka maxaakiimta kuwareejiyay 18 tikniko ah iyo 300 oo ciidan maleeshiyaad ah" Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee (IDJ) ee burburay Seeraar
Dhinaca kale waxay hub kadhigastan Goobaale iyo Seeraar soo afjaraysaa wararkii beenta ahaa ee lagu sheegayay inay maxaakiimtu u kala gedisan yihiin hogaamiyaasha jabhadii burburtay ee dooxada jubba.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa caadi ah aadna u degan oo aan habayaratee aadan ku arkaynin wax hub ah oo aan ka ahayn kuwa xoogaga maxaakiimta.
Sidoo kale waxaa maanta magaalada Kismayo lafilayaa inay soo gaaraan wafti balaaran oo ka imaaan doono golaha shuurada sare ee magaalada Muqdisho.