Waxaad waayo maashaba; Nin leh baa weel isagu gaysta!
Qormadan waxaan ku eegaynaa xaalladihii kala duwanaa ee gobollada Jubooyinku soo mareern 15kii sano ee lasoo dhaafay iyo xaalada ay maanta Jubooyinku ku sugan yihiin.
1998dii ayaa waxaa taladii magaalada Kismanyo lawareegay isbahaysi lamagac baxay Isbahaysiga Dooxada Jubba ( Jubba Valley Alliance - JVA). Isbahaysigan oo uu hogaaminayay Col. Barre Hiiraalle waxuu magaalada Kismaanyo xukumayay mudo 9 sano ah, in kastoo xukunka isbahaysiga JVA uu ku ekaa magalada Kismanyo oo kaliya, hadana waxay budhcadnimo badan ku hayeen dhamaan degaanada ku xeeran Kismanyo.
Haddaba waxaa xasuusin mudan yaa xukumay degmooyinka kale ee Jubooyinka? Jawaabta oo gaaban waa � dhamaan degaanada Jubooyinka (J/hoose iyo J/dhexe) marka laga reebo magaalada Kismanyo waxaa maamulayay dadkii degaanka u dhashay, iyagoo horumar lataaban karo ka sameeyay sida Iskuulo, Isbitaalo iyo ganacsi kala duwan.
Dadka degaanka u dhashay waxaa kaloo ay dagaal adag kula jireen joojinta xaalufinta dhulka sida DHUXUSHA oo sida la xaqiijiyay ay kadanbeeyeen Isbahaysigii burburay ee JVA, maadaama aysan dan iyo muraad toona kalahayn xaalufinta degaanka Jubbooyinka, iyagoo arkayay maalin ay noqotaba inay ka huleeli doonaan, sida eega dhacday oo kale.
Todobaadkii lasoo dhaafay Sabti September 23, 2024 ayuu Col. Bare Hiiraalle ka huleelay Kismanyo kadib markii ay talada kala wareegeen Guutooyinka Al-Shabaab ee gollaha Maxaakiimta ee uu hogaamiyay Amiir Turki.
Col. Bare Hiiraalle oo mudo dheer ku maaweelinayay beesha uu ka dhashay in Kismanyo tahay Janada Beesha uu kasoo jeedo ayaa duhur cad indhaha dubuq kasiiyay, dhawr jeerna dib u soo jaleecay, iyadoo ay aad ugu adkayd ka samirka Kismanyo iyo dekadii iyo Garoonkii dayuuradaha ee isagu qoofalaa 9kii sano ee lasoo dhaafay.
Danbaa tidhiye Barre Kismanyo duhur kama dagaageene!
Col. Barre Hiiraalle waa ay ku adkayd inuu ka huleelo Kismanyo maadaama ay gacan ku haynteedu magac iyo maamuusba u samaysay! Balse waxay Somalidu tiraahdaa �waxaad waayo maashaba; Nin leh baa weel isagu gaysta�
Haddaba shacbiga Somaliyeed ee Jubbooyinka waxay markii ugu horaysay 16kii sano ee dagaalkii sokeeye kadib arkeen nolol cusub, kadib markii Isbaaradii iyo Dagaal Oogahii Bare Hiiraalle ay ka huleeleen geyiga Jubbooyinka, iyadoo waaga cusub ee u baryay ummada Somaliyeed ee Jubbooyinka ay mahadeeda leeyihiin Walaalada Guutooyinka Al-Shabaab ee Maxaakiimta.