Waxgaradka Jubboyinka ee UK. "Taageero buuxda ayaan u haynaa isbedalka xaqa ah ee kadhacay Kismaayo."
Waxaan Taageero Buuxda Halkan ka siinaynaa Isbadalada Xaqa ah ee ka dhacay Maagala Madaxda Jubbada Hoose ee Kismaayo Kuwaas oo ku yimid Rabitaanka Shacabka.
Anagoo ah Aqoon-yahanadda, Culumada, Odayada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Dhaaman shacabka ka soo jeeda Gobaladda Jubooyinka ee ku nool Wadanka UK. Waxaay Taageero Buuxda oo hiil iyo hooba iyo Soo dhaweynba aan halkan uga gudbinayaa Isbadelada Kismaayo ka dhacay oo ku salaysan Rabitaanka Shacab weynaha Jubbooyinka.
Gobaladda JUBBOOYINKA, gaar ahaan Kismaayo waxay soo martay gacmo iyo Maamulo farabadan oo Xaqdara ah, balse maanta waxay soo gashay Gacantii xaqa ahayd ee Diinta Islaamka iyo Shacabkii lahaa.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Jubbooyinka waxaan ka codsanaynaa in ay taageero iyo garab gal aan kala hadha lahayn la garab istaagaan Maxaakimta Islaamiga soomaaliyeed ee Jooga Kismaayo.
Maxaakimta Islaamku maha Qabiil, waxayna wadaan Caddalad iyo Kitaabka Quraaka Kariimka. Ninkaan Kitaabka maanta tageerin Allaha agtiisa maalin qiyaame isaga ka jawaabi doona.
Kismaayo Maanta waxay gashay dhulka xalaalobay yeeynana dib ugu noqonin gacanta gacan ku dhiiglayasha Ummada Soomaaliyeed la hadhay 16 kii sanadood ee la soo dhaafay.