GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Bayaan ka soo baxay Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK

Anaga oo ah jaaliyadda Harti - Waamo ee degan London waxan halkaan ku soo gudbineynaa mow-qifkeenna ku aadan Armiha ka dhacay Gobolka Jubada Hoose .

Run ahaantii wax qarsoon maaha xaaladda ay ku sugnaayeen dadka ku dhaqan magaalda Kismaayo Halkaas oo muddo 15 sano ka badan hoy u noqotay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya .

Sanadihii ugu danbeeyeyna waxa ay gacanta ugu jirtay niman isku magacaabay Dooxada Jubba kuwaas oo degaan ahaan ka yimid gobolada dhexe ee Soomaaliya kuna heshiiyey in ay xoog ku qabsadaan magaalada Kismaayo iyagoo ku hayey dadka degaanka u dhashay boob, dhac iyo caburin dhinac walba ah, taasi oo kaliftay in dad badani isaga qaxaan degaankii ay ku dhasheen ,kuwa gudaha ku hareyna ay u noqdaan la heystayaal Dooxada Jubba .

Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa �baadi kugu raagtay milkigaadaad moodaa� .

Barre Hiiraale oo ahaa gudoomiyihii Dooxada Jubba ,waxa uu isa siiyey magaaladii isbaheysi ahaan ay xoogga ugu qabsadeen, waxa uuna aad ugu dadaalay in magaalada uu dejiyo jifada uu ka dhashay waxeyna dadaal badan u galeen sidii ay u dhaxli lahaayeen dadkii degaanka lahaa oo aan geeriyoon.

Waxaa intaas sii dheer in Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu aad u soo dhaweeyey Barre Hiiraale una sharciyeeyey qabsashada Kismaayo isagoo ku amray in uu maamul goboleed u dhiso Jubada Hoose, taas oo rajadii Barre ka qabay Jubada Hoose sare u qaaday ,wuxuuna aaminay in Kismaayo ay ka tirsan tahay gobolka Gedo, isagoo ku mashquulay dhismaha Jubba-Land halka ay ku habooneyd in uu Gedo iyo Caabud-Waaq oo uu ka soo jeedo maamul u dhiso.

Waxaa allah mahadiis ah in Ciidamada Maxaakimta ay u istaagaan sidii ay u xoreyn lahaayeen dadka ku dhaqan Kismaayo oo ay ugu soo celin lahaayeen xoriyadoodii ka maqneyd 7-da sano ay Dooxada Jubba heysatay magaalada Kismaayo.

Nasiib darro dad badan oo laga xaday caqliga ayuu Barre ku beer laxowsanayaa magac Daarood kaas oo uu isaga laftiisa qashinka ku tuuray 8-sano ka hor ,isagoo ku riyoonaya in uu dib ugu soo qaado dagaal Magaalada kismaayo waxaana uu ku hadaaqaya arintu in ay u noqotay halkii ay joogtay 1991-kii xilligaas oo uu bilowday dagaalka sokeeye ee ka jira Soomaaliya ,waxa uuna taageero ka doontay Dowladda Federaalka.

Waxaa haboon in la isweydiiyo waxa Barre kaga maqan Kismaayo oo uu ugu soo hub urursanayo maadaama uu qabqable dagaal oo xoog ku heystay magaalada ahaa .

Hadaba hadeynu nahay beesha Waamo -Harti ee UK waxaan taageereynaa xoreynta Maxkamaduhu xoreeyeen Magaalada Kismaayo ,anagoon u arkeyn Maxaakimta qabiil gaar ah oo ku soo duulay magaalada Kismaayo,laakiin waxaan u aragnaa in ay yihiin dad ka kooban Soomaali oo dhan doonayana in ay tir-tiraan cadaalad xumidii ka jirtay Kismaayo.

Waxaanan ka rajeyneynaa in ay soo celiyaan cadaaladii iyo nabadii iyo in ay sida magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo kale ay Kismaayana maamulkeeda gacanta u galiyaan dadka u dhashay Magaalada Kismaayo.

Waxaan sidoo kaloo ugu baaqeynaa dadka ka dhashay qabiilka Harti (Daarood) ee Waamo in ay soo dhaweeyaan Maxaakimta Islaamiga ah lana shaqeeyaan, iskana ilaaliyaan in uu dib ugu soo laabto Barre Hiiraale oo dhib badan horey ugu geystay. iskana ilaaliyaan durbaanka beenta ah oo ay garaacayaan Madaxda Puntland iyo midda Federalka ah ee lagu taageerayo dib usoo noqoshada Barre.

Waxaan ugu baaqeynaa Maamulka Puntland iyo Madaxweyne Cabullahi yusuf in ay faraha kala baxaan arimaha shacabka Kismaayo, waayo waxa ay horey u dayaceen in ay u gargaaraan dadka ka soo jeeda beesha Harti-Waamo ee ku dhaqan Kismaayo iyagoo daawanayey dhibaatooyinka lagu hayey mana aysan ka damqan mar qura, iyagoo aan u fidin wax taageero hiil iyo hooba leh 7-dii sano ay Dooxada Jubba dhibka ku hayeen shacabka Kismaayo .

Waxaan ka codsaneynaa maamulka Maxaakimta in ciidamadii Goobaanle ,Seeraar iyo Cabdi Cigaal laga saaro Magaalada kismaayo waayo? Dadkii ay shalay dhaca iyo handadaada ku hayeen suurtagal maaha in ay manta yiraahdaan amaankiina ayaan sugeynaa ,mana fileyno in quluubta shacabka reer Kismaayo ay u wanaagsan tahay arintaas.

Waxaan cambaareyneynaa dhamaan kuwa ku qaraabanaaya Qabiilka iyagoo uga faa�iideysanaaya danahooda khaaska ah iyo in ay colaad joogta ah ka dhex abuuraan ummadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed ,isla markaana doonaya in ay sumcadda Maxaakimta iyo waxqabadkooda ku wiiqaan.


Ugu danbeyn waxaan ugu baaqeynaa shacabka Kismaayo wada dega reer walba oo ay yihiin in ay ka faa�iideystaan fursadaan soo martay oo ah in Kismaayo ay ku soo noqotay gacanta shacabkeeda,iskana iloobaan qabiilka iyo cadaawadda ,kitaabka allahna ay qabsadaan dib danbena aysan fursad u siin cadow dibadda uga yimaada oo isku daya in uu u kala qeybiyo reer-reer si uu ugu gaaro danihiisa gaarka ah . Allahna waxaan idiinka baryeynaa in uu quluubtiina isu soo jeediyo oo dantiina idin garansiiyo.

Waxaa qoraalkan ku saxiixan.

1-Maxamuud Cusmaan Xeeynwade
2-Axmed Maxamed Ciise (dhalaCadde)
3-Maxamed Barre Cigaal
4-Cabdullahi Jamac Maxamed
5-Raage Daahir Cabdalle
6-Xasan Jamac Warsame (Nageeye)
7-Maxamuud Axmed Dahir(Garweyne)
8-Cabdiraxman Maxamed Yusuf (Tarsan)
9-Cabdisalaan Maxamuud Cusmaan Xeynwade
10-Maxamed Cabdi Gacameey
11-Maxamed Cabdullahi Jamac
12-Abdiraisaq Jamac Warsame (Nageeye)
13-Cabdi Aaden Geelle (Cabdi Dhoof)
14-Cabdullahi Aadan Yusuf Maxamed
15-Warsame Faarax Boostaale
16-Maxamed Axmed Maxamed (Dhala Cadde)
17-Maxamuud Aadan Yusuf
18-Maxamed Cabdisalaan Jamac
19-Axmed Maxamuud Seeraar (Madaxeey)
20-Ibrahim Nuur Sooyaan
21-Maxamed Cabdullahi (Kooreeye)
22-Axmed Xasan Xirsi (Buulo)
23-Maxamuud Maxamed Cali
24-Abshir Waaberi Jamac
25-Cabdinasir Maxamuud Maxamed (waalow)
26-Siciid Maxamuud Maxamed (waalow)
27-Cabdinasir Ibraahim Xaaji Jamac
28-Cabdirashiid Maxamed Xasan (Baafow)
29-Daa�uud Shire Maxamed
30-Cabdicasiis Ismaaciil Dirir
31-Cabdirisaq Maxamed Maxamuud(Carafaat)
32-Nimco Axmed Dahir
33-Sahro Axmed Dahir
34-Ruqiya Maxamed Xasan (Baafow)
35-Shamso Xasan Xirsi
36-Xaawo Aadan Ciise
37-Axmed Maxamuud Yusuf
38-Muna Cabdullahi Maxmed
39-Liibaan Maxamed Siciid
40-Cabdullahi Sheekh Cabdiraxmaan
41-Cabdiraisaq Jeelle Xareed
42-Cabdikaafi Diriye Danax
43-Maxamed Cabdi Ciise
44-Xaawo Cabdi Ciise
45-Cumar Takar Maxamed
46-Cismaan Xaaji Ibrahim Gaab
47-Yoonis Cumar Kediye
48-Ruun Cumar Kediye
49-Aadan Yusuf (Aadan Atoore)
50-Cawil Maxamuud Nuux
51-Xasan Geelle Cilmi(kabajiiq)
52-Maxamed Rashiid Xaaji Ibraahim
53-Maxamed Cabdi Gaban
54-Axmed Maxamed Cali (Xaaji Warsame)
55-Saleebaan Yaasiin Buuxe
56-Farxiyo Saciid Axmed
57-Cabduqadir Shire Maxamed (Deebulo)
58-Liibaan Cabdullahi Qoorsheel
59-Cabduqadir Xasan Cali (Qudeer)
60-Liibaan Ismaaciil Muuse (Caraale)
61-Maxamed Yusuf Cukaashe
62-Asad Maxmed Barre Cigaal
63-Ibrahim Khallif Biil (Washigton)

Wabillaahi towfiiq.


Godeynews.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com