GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Ideecada Radio Xoriyo: " Xilkii waan kaqaadnay gudoomiyihii ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan" warar sabtidii laga sii daayay Radio Xoriyo

Ideecada Radio Xoriyo oo kuhadasha codka jabhadda JWXO ayaa waxay sabtidii lasoo dhaafay sii daysay war sheegayay inay xilkii ururuka laga qaaday Gud. Admiral Maxamed Cumar Cismaan, kadib markuu kutuntay xeerkii iyo qawaaniintii kala hagaysay xubnaha ururka; waa sidey hadalka u dhigeene.

Warkan lagu sheegayo xil kaaqaadista Maxamed Cumar Cismaan ayaa in badan oo kudhagaystay gudaha wadanka waxay kutilmaameen mid ay aad ula yaabeen, isla markaasna kunoqotay mid lama filaan ah oo aysan xiligan dhawraynin inay dhacdo.

Siideyntan warkan ayaa waxaa kadan beeyay qaar kamid ah xubnihii sarsare ee ururka golihiisa dhexe hada kahor laga saarey iyo qaar kale oo wali u dagaalamaya dib usoo celinta xubnahaas.

Sidoo kale waxay qaar kamid ah xubnahaas Godeynews uxaqiijiyeen inay la wareegeen ideecadii Radio Xoriyo qaybteeda hawada oo ah ideecada gudaha wadanka laga dhagaysto, isla markaasna muhiimada badan oo warbaahineed u lahayd inta taageersan Jabhadda ee kusugan gudaha wadankii.

Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in xalay war rasmi ah oo lagaga hortagayo arinkaas lagasii daayay ideecad kale oo kutaalla wadanka Eriteria taasooy jabahda Onlf qayb kaga hadasho lagu sheegay in ideecadii Radio Xoriyo ay la wareegeen qolyo ushaqeeya gumaysiga Ethiopia, isla markaasna ka falaagoobay mabaadiidii jabhadda.

"Waxaan uga digaynaa xoogaga xaq udirirka jabahda wadaniga xoreynta Ogaadeeniya inay ku khaldamaan wararkan beenta ah ee laga baahinayo ideecada Radio Xoriyo oo hadda gacanata u gashay canaasiir kooban oo kasoo horjeeda masiirkii ummada" Waa hadalkii ideecada Eriteriya ee codka JWXO.

Iskusoo uruuriyoo illaa iyo intii golaha dhexe laga eryay 11ka xubnood oo sidaan ognahay qaarkood ay ururka dhexdiisa kulahaayeen miisaan iyo magacba ayaan illaa iyo intii la eryay aan wax ficil ah oo muuqada kaga hor imaanin arinkaas.

Laakiin hadda sida muuqata waxaad moodaa inay iyagu ka danbeeyaan kacdoonka lagula wareegay Radio Xoriyo laguna sheegayo inay xilki ka qaadeen gudoomiyihii ururka Admiral Max,ed Cumar Cismaan.

Dhinaca kale warsidaha Godeynews waxaa soo gaaray warqad magacii iyo astaantii jabahadda wadata oo lagu sheegayo inay tahay bayaankii laga akhriyay ideecada Radio Xoriyo (qaybteeda hawda 29/09/06) ee lagu sheegayay in xilkii lagaga qaaday gudoomiyaha ururka onlf Admiral Max,ed Cumar Cismaan.

Waxaa dhici karta inaan soo daabcno warqadaas saacadaha nagu soo aadan.

Axmed Cilaan,
Godeynews.com
Jijjiga.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com