Anaga oo ah jaaliyadda Absame ee degan dalkan Ingiriiska gaar ahaan magaalada Birmingham iyo hareereheeda waxa aan halkan ku soo gudbineynaa baaq aan ku muujinayno taageeradanada ku aadan isbeddelka ka dhacay guud ahaan Soomaaliya , gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.
Waxa Ilaahay mahaddii soo gaadhay dhulka Jubbooyinka dabaylihii caafimaad ee Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyada ee beryahanba ku faafayay gobollada dalka, taasoo aan Ilaahay uga baryayno in uu dhiibada u aaso kana ilaaliyo wixii burburin kara.
Hadaba annagoo ah beesha Absame ee UK waxaan taageero buuxda u soo gudbinaynaa Maxkamada Islaamiga iyo guulaha degdegga ah e lama filaanka ee ay soo hooyeen, oo ay u horreyso soo celinta ruuxdii Soomaaliyeed ee Islaamiga ahayd. Maxaakimta uma argno dad qabiil gaar ah in ay yihiin , laakiin waxaan u aragnaa in ay yihiin dad ka kooban Soomaali oo dhan doonayana in ay Soomaaliya ku soo dabbaalaan sharciga Alle oo caddaalad iyo sinnaan u horseedaya ummadda Soomaaliyeed oo dhan.
Imaatinka ay Maxkamaduhu yimaaddeen Jubbooyinka uma aragno mid ka duwan kuwii ka horreeyay , sida Jowhar, Balcad , Hiiraan, iwm.
Sidaa darted waxaa n maxkamada ka codsanaynaa in ay sidii looga bartay � si ay dadka mdegaanku u dareemaan caddaalad iyo sinnaan � in maamulka gobolladaa lagu wareejiyo dadka degaanka ee munaasinka u ah.
Waxaan sidoo kaloo ugu baaqeynaa dadka u dhashay gobollada aan soo sheegnay in ay soo dhaweeyaan Maxaakimta Islaamiga ah lana shaqeeyaan, iskana ilaaliyaan wixii qas iyo dhibaato abuuraya , kuna dadaalaan ilaalinta midnimada.
Waxaan cambaareyneynaa ugana digaynaa dhamaan kuwa ku qaraabanaaya magaca Qabiilka iyagoo uga faa�iideysanaaya danahooda khaaska ah iyo in ay dib u soo nooleeyaan colaaddii sokeye ee taarikhda madow lahayd ummadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed, isla markaana doonaya in ay wax u dhimaan sumcadda Maxaakimta Islaamiga iyo waxqabadkooda.
Ugu danbeyn waxaan ugu baaqeynaa shacabka Jubbooyinka wada dega in ay ka faa�iideystaan fursaddan taariikhiga ah ee soo martay oo ah in ay Jubbooyinka ku soo noqdeen gacanta shacabkooda, iskana iloobaan qabiilka iyo cadaawadda, kitaabka Allahna ay qabsadaan dib danbena aysan fursad u siin cadow gudaha ama dibadda uga yimaada oo isku daya in uu u kala jejebiyo si uu uga fushado danihiisa gaarka ah.
Waxaan Ilaahay baryeynaa in uu quluubtiina isu soo jeediyo oo uu idinku hanuuniyo dantiina inaad garataan.
Jaalliyadda Absame ee UK, Birmingham. 1 Oktoobar 2006.