Kismaayo: Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayay maxkamadaha islaamiga oo goor dhaw lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo
Banaan bax ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal qof oo kakala socda qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ka dhacay beerta Xoriyada ee magaalada Kismaayo,ayadoo banaan baxaasi ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo.
Banaan baxaasi oo ay ka soo qeyb galeen macalimiinta iyo ardayda wax ka barata dugsiyada heerarka kala duwan ayaa waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga oo ka hadlay hadafka maxkamadaha islaamiga iyo shirqoolada cadawga uu u maleegayo dalka Soomaaliya.
Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf madaxa waaxda waxbarashada iyo dhalinyarada golaha maxkamadaha islaamiga oo khudbad qiiro leh ka jeediyay ayaa ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay ka qeyb qaataan hawlaha maxkamadaha islaamiga isla markaana ay ka hor yimaadaan qorshaha ciidamada shisheeyaha ah lagu keenayo dalka Soomaaliya.
Sheekh Fu'aan oo ka mid ah wafdi ka socday golaha maxkamadaha islamiga Soomaaliyeed oo hawlo shaqo u jooga Kismaayo ayaa sheegay in cadawga uu dabin daabyo u maleegayo shacabka Soomaaliyeed si mar kale uu gumeyso cusub ugu soo rogo dalka Soomaaliya,isagoo hoosta ka xariiqay in ay la jihaadi doonaan cid kasto oo soo caga dhigata ciida Soomaaliya oo dhib iyo shirqool la doonaysa umadda Soomaaliyeed.
Masuuliyiintii maxkamadaha islaamiga ee halkaasi ka hadlay ayaa dhamaan ka sinaa ku baraarujinta dadka danahooda iyo waliba uga digada shirqoolada loo maleegayo umadda Soomaaliyeed oo haatan ay u soo bidhaantay nabad la taaban karo kadib markii shacabka ay garteen danahooda,taageereena maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed oo baahinaya shareecada islaamka.
Banaan baxan oo ahaa kii ugu ballaarnaa oo lagu taageerayo maxkamadaha islaamiga ayaa goor dhaweyd soo gaba gaboobay,waxaana lagu muujinayay taageerada shacabka ay u hayaan hawlaha maxkamadaha islaamiga ay ka wadaan gobollada Jubooyinka.