Addisbaba: Galbeedka Ethiopia 4 qof oo kudhimatay dagaal diimeed oo u dhexeeya dad muslim ah iyo kuwa christian ah !!!
Ugu yaraan 4 qof ayaa kudhintay kuwa kalena way kudhaawac meen dagaal diimeed oo dhexmaray dad Muslim ah iyo kuwa Christian ah oo kuwada noolaa tuulada Dembi oo ah mid udhow magaalada Jimma oo kutaalla koonfurta Ethiopia.
Iskudhacyadan ayaa waxay kadhasheen markii ay dadka haysta diinta Christianka oo u dabaal dagaya ciidda Maskel (New year) ay iskudhaceen kuwa Muslim ah oo sida lasheegaya dab galiyay 2 kaniisadood oo ay christianku wax kucaabudi jireen kuna yaalay 490km meel u jirta magaalada Addisababa.
Sidan oo kale bishii MAY ee sanadakan ayaa waxaa magaalada Jijjiga ee ismaamulka soomaalida kadhacay kacdoon kadhashay xadgudubkii lagu sameeyay musxafka Quraanka oo dhalinyaro reer Jijjiga ah ay dhagaxaan ooda kaga qaadeen ganacsigii gaalada ee kuyaalay magaalada Jijjiga.
Magaalada Jijjiga oo ah xarunta looga taliyo Ismaamulka Soomaalida oo dhamaantood muslim ah, isla markaasna aan deegaan ahaana aad ugu fogayn xuduudka soomaaliya oo maalmahan danbe ay magaalooyin badan oo kamid ah K/soomaaliya ay gacanta kudhigeen ciidamada maxaakiimta islaamiga soomaaliya oo ay dawladda Ethiopia kaqabto wal-wal iyo walbahaar badan.