GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Baardheere: Maleeshiya beeleedkii Barre Hiiraale oo bililiqo xoogan kasameeyay gudaha magaalada Baardheere

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxaa laga soo sheegayaa in maleeshiyo beeleedkii uu horkacaya Col Barre Shire Hiiraale ay bililiqo xoogan iyo booba ay kusameeyeen dadka shacabka ahaa ee ganacsiga kuhaystay gudaha magaalada Baardheere iyo waliba tulooyin aan kafogayn hareeraha magaalada.

Maleeshiya beeleedkan ayaa waxaa soo foodsaartay cunto la,aan iyo hoy xumo daran oo lasoo gudboonaatay illaa iyo intii xoogaga ciidamada maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed ay kasoo saareen magaalada Kismaayo oo ay muddo dheer kuxukumi jireen isbahaysigii xaaranta ahaa ee walaalaha Galguduud.

Hadaba si arintaas wax looga qabto ayaa waxaa waxgaradka deegaanku iyo dadka ganacsatada ahba ay Barre Hiiraalle usheegeen inuu maleeshiyadiisa kala baxo gudaha magaalada iyo hareeraheeda. Sidaas darteed waxaa laisla gartay in ladejiyo meel magaalada ujirta 7-9km oo kufadhida jidka iskuxira magaalada Saakoow-Baardheere taasooy markay maleeshiyo beeleedku gaareen tuulada KORMAREY ay iyadan bililiqo labeegsadeen oo ganacsato kale ay meeshaas kudhaceen.

Kasoo saarista maleeshiyo beeleedka magaalada Baardheere gudaheeda oo bililqo xoogan kawaday ayaa warbaahinta iyo websiteyada maxaliga ah waxay kufasireen inuu duulaan kuyahay goballada jubooyinka. Balse xaqiiqdu sidaas way kafogtahay oo waxgaradka beeshe SADE waxay Col Barre Hiiraale usheegeen inaysan xilagan diyaar u ahayn dagaal qabiileed oo isaga dantiisu kujirto balse aan wax dan ah iyo faa,iido toona ugu jirin beelweynta Sade-Daarood.

Iskusoo wada duduboo dad masuuliyiin ah oo kudhaqan degmooyinka Salagle iyo Saakoow oo Godeynews khadka telefoonka kula xiriiryay waxay u xaqiijiyeen inay xaalada deegaanku degan tahay, isla markaasna ay aad ula yaabin yihiin waxyaabaha ideecadaha soomaalida laga sheegayo.

"Wax dhaqdhaqaaq ciidan ah majiro oo aan kahayn kuwa maxaakiimta oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa goballada jubooyinka. Barre Hiiraalena illaa iyo hadda mahelin awood ciidan oo uu kusoo haweysto rogaal celis dagaaleed." Sheekh Nuur oo kamid ah masuuliyiinta degmada Saakoow.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com