Dadka kusugan deegaanka Buurhakaba ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada magaalada qabsaday ay yihiin kuwa Ethiopian ah kuwaasoo ay lasocdeen dad soomaali ah oo dadka uga turjumayay. Dhinaca kale ayaa waxaa lasheegayaa inay ciidamada Ethiopianka ay lasocdeen kuwa soomaali ah oo calooshood ushaqeystayaal ahaa oo ay dan kalahayn gumaysiga cusub ee dhulka soomaalida sida sharci darada ah gudaha ugusoo galaya.
Sidoo kale golaha maxaakiimta muqdisho ayaa shir degdeg kaleh magaalada muqdisho si ay jawaab degdeg uga bixiyaan qabsashada ciidamada Ethiopianka ah ay qabsadeen magaalada Buurhakaba.