Ciidamadan cusub oo loo furi doono tababaro iyo dib u habayn, kadibna qeyb kanoqon doona ciidamada maxaakiimta jubbooyinka.
Sidoo kale waxaa lafilayaa maleeshiyo beeleedyo kale in maalmahan nagu soo aadan ay kasoo bixi doonaan magaalada Xagar si ay ugu darmadaan ciidamada lagu uruurinayo magaalada Xarunta u ah gobalka jubbada dhexe ee Bu,aalle.
Dhinaca kale kuxigeenka gudoomiyaha jubbooyinka Sheekh C/fataax Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Bu,aale isagoo ay lasocdaan gawaari wada qalab ciidameed sida tutaha ciidamada iyo raashin fara badan oo lagaarsiinayo ciidamada deegaanka ee kusugan gobalka jubbada dhexe.