Afmadow: Banaanbax Ballaaran oo looga soo horjeedo Dhaq Dhaqaaqa Barre Hiiraale iyo kuwa Itoobiyaanka oo Maanta ka dhacay Degmada Afmadow.
Banaanbax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Shacbiga kudhaqan Degmada Afmadow oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxa uu ka dhacay halkaasi iyadoo shacbigaasina ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan Qorshaha Barre hiiraale uu kudoonayo in uu Kismaayo kusoo weeraro.
Dadweynaha kunool Degmada Afmadow ayaa la arkayay iyagoo isugu soo baxay Xaafadaha Degmadaasi isla markaana ku qeylinaya ereyo ka dhan ah Barre Hiiraale iyo sidoo kale ereyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiyaanka fara gelinta ay ku hayaan Soomaaliya.
Mid kamid ah Dadweynaha kudhaqan Degmada Afmadow oo lasoo xiriiray Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya ayaa sheegay in Banaanbaxaasi uu ahaa mid aan abaabulneyn isla markaana shacbiga mar un isku soo baxay.
Waa Banaanbixii ugu horeeyay oo kadhaca Afmadow kaasi oo lagu muujinayo sida looga soo horjeedo Weerarka Barre Hiiraale uu qorsheynayo in uu kusoo qaado Magaalada Kismaayo si halkaasi ay dib ugu laabato gacantiisa inkastoo arrintaasi Shacbiga ay kamuujinayaan in aysan ogoleyn, waxaa sidoo kale barre ku wehliya weerarka uu qorsheynayo in uu kusoo qaado Gobolada Jubbooyinka Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dowladda Federaalka ay ugu talagashay in Gobolada Jubbooyinka dib loogu qabso.
Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka ee Gobolada Jubbooyinka ayaa la geliyay heygan buuxa si dhib waliba oo yimaada ay diyaar ugu ahaadaan in ay ka hortagaan.