Waxaa dhawaan degmada Qubbi ee gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya laga billaabayaa mashruuc lagu dhisayo dugsi hoose-dhexe, dugsigaas oo loogu talagalay in lagu hormariyo tayada waxbarashada ee degmada Qubbi.
Mashruucan tayeynta iyo horumarinta waxbarashada ee Qubbi waxaa ku baxaysa lacag dhan $20,000 - $25,000 oo doolaadhka Maraykanka ah. Mashruucan waxaa lagu talo jiraa inuu billowdo Janaayo 2007da soona afjarmo Sebteember 2007.
Dhammaan jaaliyadda dibada ee kasoo jeeda degaanka Qubbi iyo degaanada kale ee ay kunool yihiin dadka ehelka ah
Dhammaan jaaliyaadka dibadda ee Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya degaan kasta oo ay kasoo jeedaan
Dhammaan hay�aadka kheyriga ah, iyo Dhammaan shaqsiyaadka jecel wanaagga iyo horumarinta ubadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanka Qubbi waxay guddigga qabanqaabada ee hoos ku xusan ka codsanayaan inay door muhiim ah ka ciyaaraan hirgalinta mashruucan.
Maalgalinta ugu wanaagsan uguna saamaynta badan ee aan samayn karaayi waa midda waxbarashada. Ubadka soo koroya iyo jiilka ina badali doona mustaqbalkooda iyo kartidooduba waxay ku xidhanaan doonaan waxbarshada ay helaan iyo tacliintoodu heerka ay gaadho.
Sidaa daraadeed dhammaan dhinacyadaa aan kor ku xusnay iyo ciddii kale ee xiisaynaysa inay taageerto mashruucan qaaliga ah waxay wixii waxtar iyo aragtiba ah kusoo hagaajin karaan.
Guddiga Tayeynta Waxbarashada Qubbi (GTWQ) waxay kala yihiin;