GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
MUQDISHO: DFKS, ISBAHAYSIGII SHEYDAANKA EE MUQDISHO LAGA ERYAY IYO ITOOBIYA OO QORSHEEYAY WEERARO DHOWR AH KA DHAN AH MIDOWGA MAXAKIIMTA ISLAAMIGA SOOMAALIYEED

Dowladda Ethiopia oo la wada ogsoonyahay cadaawada gaamurtay oo ay u qabto umadda Soomaaliyeed ayaa had iyo jeer waxa ay faraha kula jirtaa shirqoolo iyo hagardaamo lagu beegsanayo masiirka umadda Soomaaliyeed,xilli shacabka Soomaaliyeed uu bilaabay hurdada in uu ka tooso, danahiisana uu garto.

Dowladda uu horboodo Tikreega tirada yar ee gumaysta qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Ethiopia ayaa dajiyay shirqoolkii ugu ballaarnaa oo looga golleeyahay in lagu baabi'iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed si mar kale dalka Soomaaliya loogu soo rogo gumeysi cusub.

Warar xog ogaal ah oo laga helay ilo fara badan oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in dowladda EThiopia iyo dowladda kmg oo ay wehliyaan Qaar katirsan Isbaheysigii Sheydaanka ee Burburay in ay iska kaashanayaan qorshe ballaaran oo la doonayo in dalkan lagu qabsado, waxaana la diyaariyay qorshe ballaaran oo lagu weerarayo magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla dalka Soomaaliya.

Shirqoolkan cusub oo ay wada dejiyeen dowladda Ethiopia iyo dowladda kmg ayaa waxaa lagu damacsan yahay in lagu qabsado dalka
Soomaaliya,ayadoo lagu soo qaadayo duulaan saf ballaaran ku socota oo isugu jirta cirka iyo dhulka, loona adeegsanayo cudud milatari oo aad u fara badan.

Ciidamo Ethiopian ah oo kor u dhaafaya 15,000 oo askari oo kaashanaya ciidamo taabacsan dowladda kmg ayaa la qorsheynayaa in 15-ka ilaa 20-ka October 2006 in ay weerar saf ballaaran ku socda ay ku soo qaadaan magaalooyin iyo goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla dalka, ayadoo ciidamadaasi ay xoojinayaan diyaaradaha dagaalka dowladda Ethiopia oo haatan diyaar ku ah magaalada Godey, waxa ayna kala yihiin goobahaasi la bartilmaameedsanayo sida soo socota:

-Magaalo Madaxda Soomaaliya Muqdisho.

-Magaalada Baladweyn xarunta gobolka Hiiraan.

-Magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe.

-Magaalada Kismaayo xarunta gobolka J/hoose.

-Degmada Jilib ee gobolka J/dhexe.

-Degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

-Degmada Qoryeeley ee gobolka Sh/hoose.

-Garoonka diyaaradaha Baladoogle ee degmaa Walaweyn.

Waxaa kaloo jirta goobo kale oo ayagana la rumeysan yahay in la bar
tilmaameedsanayo, waxa ayna kala yihiin: -

-Deegaanka Gelinsoor.

-Deegaanka Girjir oo ku dhaw Matabaan.

-deegaanka Xawaadley oo ka tirsan degmada Balcad.

-Deegaanka Lego.

-Degmada Kuntuwaarey ee gobolka Sh/hoose.

-Deegaanka Salagle ee gobolka J/dhexe.

-Deegaanka Hargeeso yareey ee gobolka J/dhexe.

Dhamaan deegaanada aan soo sheegnay iyo kuwa kaleba waxa uu cadowga soo jireenka ah ee Umadda Soomaaliyeed oo kaashanaya dad iibsaday diintooda iyo dalkooda la damacsan yahay weeraro lagu hoobto oo lagu doonayo in lagu baabi'iyo masiirka umadda Soomaaliyeed ee Islaamka ah.

Dhanka kale umadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed ayaa iyagu iminka ku jira Feejignaantii ugu weyneed isla markaana diyaar u ah in ay qaabilaan Cadow waliba oo isku daya in uu dalka xoog kusoo galo si uu waxyeello ugu geysto Diinta iyo Dalka.

Xigasho: qaadisiya.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com