GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Hargeysa: Beelaha Garxajis oo xukuumadda Riyaale ugu baaqay in wadanka laga hirgaliyo kudhaqanka shareecada Islaamka, dadka xidhana la sii daayo!!!

Waxaa Baaq soo saaray qaar ka mid ah culimada, ganacsatada, aqoonyahanka iyo waxgaradka Beelaha Garxajis oo Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in la sii daayo cidda aanu dembi ku caddayn ee ku xidhan Xabsiga dhexe ee Hargeysa, iyo in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka.

Isla markaana la sii daayo dadkii loo xidh-xidhay mudaharaadyadii bishii hore dabayaaqadeedii ka dhacay magaaladan Hargeysa, guddi madax bannaana loo magacaabo baadhitaanka Jidh-dilka la sheegay in loo geystay qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta Xabsiga Hargeysa, waa sida ay u yidhaahdeene.

Xubnahan ka tirsan Beelaha Garxajis, ee ku saxeexan baaqa, oo tiradoodu ay dhan tahay 150 qof, ayaa sidaa waxay ku sheegeen shir ay Xalay ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Sida oo kale, xubnahani waxay baaqooda ku taageereen, baaq ay maalintii Axaddii soo saareen 13 Xubnood oo ka mid ah culimada Hargeysa, oo iyaguna ka dalbaday Xukuumadda Riyaale inay Xorriyadooda u soo celiso dadkii lagu xidh-xidhan mudaharaadkaasi iyo sida oo kale in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamku, sida uu dhigayo bay yidhaahdeen dastuurka wadanka.

Baaqa ay soo saareen Xubnaha ka tirsan Beelaha Garxajis, isaga oo dhamaystiran-na waxa uu u dhignaa sedan:

�Anaga oo ah Culimada, Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee Qoraalkan saxeexay dhamaantood, kana soo jeeda Beelaha Garxajis, waxaanu si cad u cambaaraynaynaa;

1-Xadhiga Culimada ku xidhan Xasiga dhexe ee Hargeysa. Sababtoo ah, iyadoo aanay jirin ilaa maanta oo ay xidhnaayeen muddo ka badan hal sano. Isla markaana aanu wax xukun ahi ku dhicin, lana haynin wax fal-dambiyeed ah oo dhibaato u geystay dalka iyo dadka, oo ay geysteen. Xadhiga noocaas ah oo xad-gudub ku ah sharciga Islaamka, Distoorka Waddanka iyo xeerarka Caalamiga ahba.

2-Hab-dhaqanka loola dhaqmay Culimada, muddadii dheerayd ee ay xidhnaayeen. Waxaana ka mid ah:
-iyada oo lagu xad-gudbay karaamadooda iyo xuquuqdooda aasaasiga ah ee ay leeyihiin, ee dadnimo, waddaninimo iyo Culimanimo-ba.
-iyada oo lagula kacay tacaddi iyo jidh-dil sababay in qaarkood maanta u naafoobeen.

3-Xadhiga Sharci-darrada ah ee lagula kacay maati rayigooda ku cabbiray Isu-soo bax ay xaq u lahaayeen oo Distoorka Somaliland u sugay. Dadkaas oo xorriyadooda ku waayay wax lagu sheegay xukun ka dhacay waqti habeenimo ah Saldhiga dhexe ee Hargeysa, 29 September 2006.

Xukunkaas oo ay gaadheen saraakiishii ka qaybqaadatay Cabudhintii maatidaas, iyaga oo huwan wax loogu yeedho Nabadgelyada, oo iyadu (Guddida Nabadgelyada) aan wax sharciyad ah lahayn haba-yaraatee. Waayo, waxaynu ognahay inaanay Guddi Nabadgeliyo aanay meelna ku lahayn Distoorka Somaliland, Isla markaana ay Baarlamaanka iyo Maxkamadda Sareba hore u laaleen.

Gebo-gebo:

1-Waa in Dawladdu si deg-deg ah uga hirgeliso dalka ku dhaqanka Shareecada Islaamka, iyada oo Qodobka 5aad ee Distoorku uu waajibinayo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.

2-In si degdeg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo Culimadaas (Ciddii aan dambi ku caddaanin) iyo dadkii kale ee Mudaharaadka loo qab-qabtay.

3-In wixii xadgudub ah ee la geystay, ciddii gaysatay Sharciga la horgeeyo.

4-In si dhaqso ah Guddi madax bannaan loogu saaro, oo si qoto dheer u soo baadha wixii tacaddi iyo Jidh-dilba leh ee Culimadaas xidhan loo geystay.

5-Ugu dambaynna waxaanu taageeraynaa Baaqii Culimada Hargeysa. Qaar ka mid ah Magacyada Culimada, Waxgaradka, Ganacsatada iyo Aqoonyahanka ku saxeexan baaqan:


Chief-Caaqil Maxamed Cabdilaahi Maxamuud.
Chief Caaqil Maxamed Xirsi Faarax.
Chief Caaqil Rashiid Cabdi Xandulle.
Maxamed Wayrax Warsame.
Maxamed Axmed Kaahin.
Sh. Cabdiraxmaan X. Maxamed.
Guuleed Hugur Ducaale.
Maxamed Ibraahim Furre.
Dr. Idiris Bulxan Cigaal.
Nuur Faarax Xirs.


Godeynews.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com