Qorshe in muda ah socday oo lagu diyaarinayay abuuritaanka Mashruuc cusub oo loogu talagay inuu Dib u Dejin wayn kasameeyo Biyo Xidheenka wayn iyo degaanka Boodhcaano ee kuyaala galbeedka Godey ayaa lagaga dhawaaqay JigJiga todobaadkii lasoo dhaafay.
Mashruucan ayaa loo magacaabay Dr. A/aziz Mohamed Layli oo isagu aqoon gaar ah u leh cilmiga beeraha. Mashruucan cusub ee dibu-dejinta ayaa gabi ahaanba ka madax banaan Mashuuca beeraha ee Gidhibka oo uu mareeye ka yahay Mudane Ahmed Mowsar Budul oo looyaqaano Ahmed Jees.
Dr. A/aziz Layli ayaa wax ku soo bartay dalka Denmark isagoo ku soo takhasusay cilmiga beeraha. Kadibna Jamacada Beeraha ee Denmarka ayaa u dirtay cilmi baaris dhinaca beeraha ah inuu ku sameeyo wadamada bariga iyo badh tamaha Africa sida Yugandha, Ruwanda iyo Burundi.
Dr. A/aziz Layli ayaa lagu wadaa inuu isbadal lataaban karo ka muujiyo degaanka, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee shaqsi aqoon sare leh uu ka hawl galo guud ahaan Kililka.
Dr. A/aziz Layli ayaa ah nin dhalinyara ah oo xirfad sare leh, iyadoo lagu yaqaano daacadnimo, karti iyo furfurnaan u sahli doonta inuu shaqadiisa kasoo dhalaalo.
Dr. A/aziz Layli ayay shaqadiisu noqondoontaa magaalaynta Mashruuca Biyo Xidheenka galbeedka Godey (Gidhibka) iyo degmada cusub ee Boodhcaano. Sida qorshaha Mashruuca cusub ee Dibu Dejintu qeexayo, waxaa dib u dejin lagu samaynayaa gabi ahaanba degaanka Boodhcaano, iyadoo qorshuhu yahay in 30 kun oo qoys oo beeralay ah dibu-dejin lagu sameeyo.
Haddaba Mashruucan cusub ee Dibu-Dejinta ayaa shaqadiisu waxay noqonaysaa gabi ahaanba in la magaaleeyo Gidhibka ilaa Boodhcaano, sida Guryaynta, Schoolada, Isbitaalo, Biyo galinta, Wadooyin casri ah, Telephone galin casri ah iyo dhamaanba waxyaabaha nolosha aasaaska u ah. Xeel dheerayaasha arimaha bulshadu waxay sheegayaan in hirgalinta mashruucan inuu wax wayn ka badali doono nolosha degaanka guud ahaan.
Dr. A/aziz Layli ayaa magacaabidiisii kadib waxuu kulan laqaatay Mareeyaha Gidhibka Mudane Ahmed Jees oo ay kawada hadleen siddii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan, maadaama ay labada mashruuc aad isagu xidhan yihiin, ayna muhiim tahay wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada masuul.
Mudane Ahmed Jees ayaa isagu khibrad iyo waayo aragnimo dheeraad ah u leh mashruuca Gidhibka iyo degaankaba madaama uu mudo dheer kasoo dhaqaynayay, isagoo horumar lataaban karo ka sameeyay mashruuca beeraha galbeedka Godey kuna dhamaystiray 800 oo heegtar mudo kayar intii loogu tala galay.
Waxaa hubaal ah in Dr. A/aziz Layli uu ku soo kordhin doono bulshada degaanka shaqo kudayasho leh, isagoo laga filaayo inuu aqoontiisa ugaga faa�iideeyo dadka deegaanka.
Maamulka GodeyNews waxuu hanbalyo u dirayaa Dr. A/aziz Layli shaqada loo magacaabay oo larajaynayo inuu muujiyo isbadal cad oo ku dayasha leh.
GodeyNews Staff
|