GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Jijjiga: Maxay kawada hadleen masuuliyiinta dawladda Ethiopia iyo Suldaan Yuusuf Taani oo kamid ahaa Golaha dhexe ururka ONLF?

Warsidaha Godeynews waxaa loo xaqiijiyay inay dhabtahay in Halgame Suldaan Yuusuf Aden Taani oo kamid ahaa golahii dhexe ururka ONLF iyo ciidamo kale oo katirsan jabhadda ONLF oo tiro ahaan lagu qiyaasay illaa iyo 100-150 inay wada hadal dheer kadib ay isu dhiibeen dawladda Ethiopia oo ay muddo dheer dagaal kula jireen.

Waxaa dad xog-ogaal ah oo arintan kudhex jira noo sheegeen inuu Halgame Taani uusan si raqiis ah isusoo dhiibin, balse uu masuuliyiin kamid ah dawladda Ethiopia layeeshay wadahadalol meello badan taabanaya oo shuruudo badan kuxiran yihiin.

Sida Godeynews loo sheegay markii Halgame Taani laga ogolaaday dhamaan shuruudihiisii ayuu kadib go,aansaday inuu gudaha soo galo si uu usii dhamaystiro waxii wada xaajood ah ee isugu haray iyaga iyo masuuliyiinta kuhadlaysay magaca dawladda Ethiopia.

Qodabada ugu waaweyn ee labada dhinac kawada hadleen ayaa Godeynews loogu sheegay inay yihiin sidan;

1- In ciidamada milatariga lageeyo xuduudada, isla markaasna laga saaro gudaha magaalooyinka waaweyn ee ismaamulka soomaalida

2- In dib loosoo celiyo dhamaanba waxii miisaaniyada ah ee hadda kahor lagu sheegay inay dhacday dawladda Dhexena loo celiyay taasoo lagu qiyaasayo in kabadan 15-20 billion birr. Lacagtan hadii lahelo waxay wax katari kartaa dib udhiska iyo dib u noolaynta waxyaabaha aasaasiga ah ee bulshudu u baahan tahay

3- In lakala diro masuuliyiinta maamulka Kililka si dib loogu dhiso maamul cusb oo kudhisan cadaalad, sinaan iyo wax qabad

Sida lasheegayo Halgame Taani oo kuhadlayay magaca ururka ONLF qeyb kamid ah ayaa wadahadalkan kujiray muddo dheer, isla markaasna xiriiryo badan oo kala gedisan lasameeyay xafiisyada dawladda Ethiopia kuwooda ugu sareeya.

Sababaha keenay inuu arinkan kudhaqaao Halgame Taani ayaa in badan oo isaga kudhow dhow kusheegeen inuu ururka khilaaf weyn soo kala dhex galay, kaasoo ka bilaamay siyaasadii lagula midoobayay 6dii urur ee ay kujireen ururada Axmaarada iyo OROMADA, Siyaasadii ururka oo kudhex milantay ururada soomaaliya isku haya qaarkood iyo waliba khilaafkii ugu danbeeyay ee kadhashay isbedalkii 11 xubnood xilka laga qaaday oo aan illaa iyo hadda laisku afgaranin.

Masuulkan ayaa lashegayaa inay lasocdaan ciidamo kale iyo masuul kale oo isaguna kujiri jiray golaha dhexe ururk onlf laakiin aan magaciisa helin. Imaanshaha masuuliyiintan ayaa aad looga dareemay guud ahaan ismaamulka soomaalida gaar ahaan gobalka Wardheer oo ay kusoo horeeyeen imaanshahoodana aad looga soo dhaweeyay.

Waxaa kaloo Godeynews looo sheegay inay usoo gudbeen dhinaca magaalada Qabridaharre, kadibna ay diyaarad kasii raacayaan una sii gudbayaan magaalada Addisababa si ay kulan ula yeesheen masuliyiin kasocda xafiiska Raisul wasaaraha dawladda Ethiopia oo markii horeba hawsha bilowgeeda aas-aas u ahaa.

Iskusoo duuboo heshiiskan qaar kamid ah xoogaga JWXO iyo qeyb kamid ah masuuliyiinteeda ay lagaleyaan dawladda Ethiopia ayaan ah mid salka kuhaysa khilaafka soo kala dhexgalay xubnaha sarsare ee ururka oo ay mudaba kadhex taagnayd awood maroorsi iyo is haysasho keentay in ururkii ONLF u kala jabo dhowr qeybood oo is khilaafsan.

Hase yeeshe dadka u dhuun daloola siyaasadda dawladda Ethiopia ayaan rajo badan kaqabin inuu wax rasma ah kadhasho wadahadalkan ay xubnahan kuxaroodeen,isla markaasna ay adeg tahay in wax kahirgeli karo xilli aysan deganayn siiyaasadda dawladda Ethiopia.

Wariyaha Godeynews ee magaalada Jijjiga ay kuhawlan sidii uu usoo uruurin lahaa waxii xog dheeraad ah ee khuseeysa xubnahan ONLFta.

Axmed Cilaan,
Godeynews.com
Jijjiga.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com