LONDON: Gudiga mashruuca Danan Devolopment programme oo ku shiray magaalada london
Waxaa magaalada london ee wadanka U.K ka dhacay shir ay isugu yimaadeen gudiga sare ee mashruuca horumarinta Dhanaan DDP.Shirkaas oo dhacay habeenimadii axada ayaa qodobo muhiim ah lagu falanqeeyay.
Ajeendayaasha shirka
A- Warbixin Yuusuf Aadan Xassan oo dhowaan safar ku tagay magaalada dhanaan.
B-Sidii loo xoojin lahaa ama loo caawin lahaa schoolka waxbarashada ee dagmada dhanaan.
C- Sidii loo caawin lahaa masajidkii dhanaan oo dhismo ku socdo kaasoo qabyo noqday wax kharasha iyo awoodana aysan uhayni ree dhanan oo ay ku dhamaystiraan.
Waxuu kaloo ka warbixiyay deeqdii ahayd qalabka waxbarasho ee mashruucu oogu deeqay dugsiga hoose/dhexe ee magaalada dhanaan.
Shir gudoomihii shirka Mr Axmed Cabdi Nuur ahna xidhiidhiyaha guud ee mashruuca ddp ayaa ka hadlay sida ay lagamamaarmaan utahay in dardar lagaliyo arimaha waxqabadka mashruuca, cidii ka qeyb qaadan weydana aan loo lugxidhnaanin.
Waxaa halkaa hadalo qiimo badan oo isugu jira dhiira galin baraarujin iyo warbixino ka jeediyay Mr C/aahi M. Soofe ,Mr Axmed Xassan Khaliif , Mr Maxamed Xassan Dubad iyo Mr Maxamed Axmed Nuur oo dhamaad ku nuuxnuuxsaday sidii loo dar dar galin lahaa waxqabadka mashruuca
Qodobada shirka kasoo baxay
1-Dardargalinta waxqabadka mashruuca
2-Baahinta mashruuca
3-Qabasho shir jaaliyadeed oo wakhtigiisa dib laga iclaamin doono
4- Kulan odayaasha jaaliyada iyo mashruuca ddp
Shirkan oo saacado socday iyadoo dad qaarkiina ay telefoon ooga qeyb qaateen ayaa si habsami leh kudhamaaday, Waxaana awalan mahad balaadhan leh Allahii suurta galiyay qabsoomida shirka.