UN oo eedaysay Dawlada Eriteriaya oo ciidamadeedu katalaabeen soohdinta (Buffer-Zone) ee ciidamada UNta!!!
UN ayaa canbaaraysay talaabada ay qaaday dawladda Eriteria oo 1500 oo ciidamadeeda ah iyo 14 gawaarida dagaalka ah ay usoo gudbeen dhulkii iyada iyo Ethiopia mudada dheer iskuhayeen oo dagaalkoodii UN kusoo afjartay heshiiskii Algeira ee sanadkii 2000.
Dhulkan oo ay fadhiisimo kulahaayeen ciidamada UNta ayaa ahaa dhul ay kacaagan yihiin ciidamada labada wadan oo aan midkoodna loo ogolayn inay ciidamadiisu soo galaan hadii ay taas dhacdana ay tahay mid dib usoo celin karta dagaallo hor leh o dhexmara labada wadan.
UNta ayaa tiri soo gelitaanka ciidamada Ereteria ay soo galeen dhulka mamnuuca ka ahaa labada wadan ayaa ah mid lagu jabinayo sharcigii xabad joojinta ee UN, waana mid helis gelin karta geedi socodka nabadda.
Dhinaca kale ciidamada Eriteria ayaa gacanta kudhigay mid kamid ah fadhiisimaha xaduudka labada wadan ee ciidamada labada wadan ka caaganayeen.
Dawladda Ethiopia ayaan illaa iyo hadda aan sameynin dhaqdhaqaaq ciidan oo weyn, isla markaasna aan wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin talaabadan ay qaadatay dawladda Eriteria.