GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
BAAQ IYO DIGNIIN KU SOCOTA XILDHIBAANADA ABSAME

Tan iyo markii aay burburtay dowladii Soomaaliyeed dhamaadkii 90naadkii deegaanada Absame gaar ahaan magaalda Kismaayo oo noqotay deegaan la wada wadaago, halka ay beel walba soo oodatay deerkeedii.

Waxaana arintani ugu wacneeyd:

1- dadkii uu xilka saarnaa sida hogaamiye dhaqameedyada, siyaasiyiinta iyo saraakiisha oo dhabarka isu jeediyay lana kala saftay dadkii in eey ayaga wax yeelaan u soo safray

2- iyagoo aan fahansaneeynba in waxa meesha ka dhacaya ay tahay iska fara maroojin deegaaneed


Waxaa intaa dheer in shaqsiga sheeganaya in uu maamulo Kismaayo uu soo dhex maro deegaankeena marka la eryano uu sii maro deegaankeena anagana aan noqonay sacbooleey wadada hareeraheeda taagan, markase aay is ku dhacaan labo jilib oo beesha ka wada tirsan in aay boqolaal u dhintaan.

Hogaanka Absame wuu ku guul dareystay hoowshii ahayd in dadka & deegaanka laga badbaadiyo damaca kuwa aan walaalaha nahay ee ka soo hayaamay Bari iyo Mudug, waxaase Alle mahadii ku guuleystay Maxaakimiinta Islaamka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana faraca Jubooyinka ee hoostaga hogaanka Sh Xasan Turki.

Inkastoo dhulka iyo waxa saaranba uu Alle leeyahay hadana Maxkamaduhu cadli ayey sameeyeen ayagoo markaa dadka deegaanka u soo celiyay baadidoodii la isku dhiibdhiibayay.

Waqtigan xaadirka ah Kismaayo oo ahayd meesha dhibka ugu badan uu ka jiray waa nabad, shaqsi walboo horay ugu noolaa wuu ku noolaan karaa waxaase yaraaday damacii waalnaa oo aay qabeen dadka qaarkii qaasatan kuwa meesha habeen aay seexdaan subixii ku waabariista iyagoo oronaya magaaladanadii.

Waxaase wali jira damac iyo shirqool aay wadaan ninkii meesha isaga cararay iyo ninka soomaali oo dhan masiibada la doonayo qaas ahaan Koonfurta Soomaaliya oo asagu fadhiya Baydhabo. Dhab ahaantii soo dagitaanka Dowlad ku sheegta ee Baydhabo waxay dhibaato weyn oo aan laga waaqsan karin u soo jiidaysaa hadii aayan fahmin oo aayan ka hor tagin dadka degan gobolada Baay iyo Bakool, Gedo iyo Jubooyinka.

Sababtoo ah nimanka hogaanka u haya DFK waxay aaminsan yihiin inay danahooda ku gaaraan ayagoo isticmaalaya awooda xabashida taas oo macnaheedu yahay in aayan ka naxayn deegaan eeysan asal ahaan ka soo jeedin oo aay dab iyo holac galin doonaan.

Hadii aan u soo noqdo ujeedada qoraalkan ayaa ah dhiilada colaadeed oo uu abaabulayo Barre Hiiraale oo ah nin aan xishoon, ma wuxuu maanta rabaa in uu weeraro dadkii si nabad ah shalay ugu soo gudbiyay deegaanka uu asal ahaan kasoo jeedo ?.

Ma wuxuu rabaa in uu dhexmaro deegaanka dadka uu rabo in uu magaaladoodii qabsado oo uu si nabad ah ku tago ugana taliyo Kismaayo?.

Alla maxaa damac waalan ah !!! Barroow miyaysan kuu habooneen in Gedo oo ah gobal rafadsan aad wax u tarto hadii aad wax tari kartid in ta aad sababi laheed dhimasho wiilal wax u baneeynaya aay jirin in aay dhintaan iyagoo udagaalamaya qabsashada magaalo aayan xaq u lahayn. Bal ka waran hadii Absame maanta uu qalab qaato in uu duulaan u aado Garbahaareey oo ah magaalo madaxda Gedo?.

Hadii shalay xildhibaanada Absame aay ku guuleeysan waayeen wax ka qabashada xaaladii cakirneeyd ee magaalada madaxda J/Hoose, waxa manta wajib ku ah in aay difaaceen deegaanka iyo dadka aay matalaan. Oo hadii wasiir Barre uu weerar abaabulayo waa in uu wasiir Tarax difaac abaabulaa.

Kol hadii aanay jirin dowlad soomaaliyeed oo daacada, kuwa meesha hor boodana aay har iyo habeen u taagan yihiin fulinta danaha qabiileed oo aay leeyihiin, kol hadii dowlada aad ka tirsan tihiin aay ka qeyb qaadanayso barakicinta beeshiina waa dulinimo waxa aad weli u dhex fadhidaan hoolkii badarka lagu beegi jiray ee Baydhabo, waxan idinkugu baaqayaa maadaama aad tihiin dadka inoo matala dowlad baaseedka ;


1- in aad ku soo laabataan deeganka si aad uga difaacdaan dadka weerar iyo barakac ku yimaada

2- in aad saanadii lagu difaaci lahaa dadka iyo deegaanka aad ka soo qaadaan dowlad ku sheegta maadaama aay iyagu soo dhiibeen saanadii dadka deegaanka lagu barakicin lahaa.

3- Ugu danbayntii waa in aad ogaataan in masuuliyad idin saaran aay tahay wax walboo ku yimaada deegaanka oo hadii dagaalo iyo barakac uu yimaado uu micnaheedu yahay in aayad waajibkiinii gudanin oo aad shacabka ula mid tihiin kuwa u soo duulaan tagay.


Qore: Max�ed Dhagax
E-mail:[email protected]

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com