GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Bu,aale: Maleeshiyo beeleedka Puntland kuwa Barre Hiiraale iyo ciidamo Ethiopian oo isusoo bahaystay weerar kadhan ah maxkamadaha islaamiga Jubboyinka

Wararka rasmiga ah ee naga soo gaaraya magaalooynka Baydhabo, Baardheere iyo waliba Bu,aalle ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo isugu jira maleeshiyo beeleedyo Majeerteen/Mareexaan iyo kuwa Ethiopia ay duulaan kusoo yihiin goballada jubbbooyinka oo ay kataliyaan xoogaga maxkamdaha islaamiga soomaaliyeed.

Ciidamadan duulaanka ah ayaa lasheegaya inay hadda soo gaareen meel 20-30km ujirta magaalada Bu,aale oo ay kusuganyihiin ciidamada maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed oo kujira heegankii ugu sareeyay illaa iyo inta laxasuusuta.

Saacadahan soosocda ayaa lafilayaa iskudhicitaan dhexmara isbahaysagan xaaraanta kusoo bahoobay iyo ciidamada maxkamadaha islaamiga oo iyagu wacad kumaray inay cadow kastaba kadifaaci doonaan dalka, diinta ayna dib usoo celinayaan sharaftii iyo karaamadii dhimatay ee Ummada Soomaaliyeed.

C/laahi Yuusuf oo laga sugayay inuu soomaali maamulo oo uu kasaaro dhibaatada kuhabsatay 16kii sano ee lasoo dhaafay ayaa maanta markuu wax kastaba kusoo fashilamay usoo tafaxeytay qaqable dagaalnimo, islmarkaasna usoo diyaar garoobay inuu lasafto beesha uu kadhashay oo in mudo ahba kutaamaysay qabsashada magaalada Kismaayo oo ay hada kahor maaro iyo awood toono u waayeen.

Meelishiyo beeleedka C/laahi Yuusuf iyo masuliyiintooda kusugan Baydhabo ayaa iyagu cadaystay inay Kismaayo kuduulayaan iyagoo kaashanaya ciidamada Ethiopia iyo kuwa kale oo aan kala aqoon meesha ay deegaan uleeyihiin iyo meesha kale.

Waxaa warsidaha Godeynews loo xaqiijiyay in maleeshiyo beeleedkii laga soo uruuriyay Puntland oo in muda ahba Baydhabo kusugnaa ay hadda iyaga iyo kuwa Ethiopian ah iyo kuwa Barre Hiiraale ay dagaal kusoo yihiin magaalada Bu,aalle oo lafilayo saacadaha soosocda inuu kaqarxo dagaal lagu hoobto oo qolo loo awood sheegto.

Iskusoo uruuriyoo dadka kudhaqan goballada jubbooyinka ayaa maanta hiil iyo hooba lagarab istaagan midowga maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed oo deegaanada jubbooyinka keenay cadaalada, sinaan iyo amaan aan hadda kahor kajiri jirin deegaanka.

Waxeyna kasoo horjeedaan wax kasta oo wax udhimi kara aminiga iyo nabada ay keeneen midowga maxaakiimta islaamiga. Dhinaca kalena waxay kasoo horjeedaan weerarka gardarada ah ee ay isku soo bahaysteen inay jubbooyinka kuqabsadaan meeleeshiya beeleedyada C/laahi yuusuf, Barre Hiiraale iyo kuwa Ethiopianka.

Waxii kasoo kordha arimahan cusub kala socda qormooyinka danbe ee Godeynews.com.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com