GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Sakoow: Dagaal dhimasho iyo dhwaac keenay oo ka dhex qarxay maleeshiya beeleedkii Barre Hiiraale!!

Warar Godeynews kasoo gaaraya ilo muhim ah oo ku sugan Degmada Bu,aale oo ah xarunta Gobolka Jubbada dhexe ayaa waxa sheegayaan in meel wax yar ujirta magaalada Sakoow uu ka dhacay dagaal kadhex dhacay
Maleeshiyooyinkii in mudo ahba loosoo uruurinayay qaqable dagaal Col. Barre Hiiraale si ay dagaal ula galaan Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu saakay ka dhex qarxay Maleeshiyooyinka Barre Hiiraale ka dib markii sida la sheegay ay isku khilaafeen cabsida lasoo gudboonaatay maleeshiyada horboodiya dagaalka larabo in lagu qaado Ciidamada Maxaakiimta oo iyaga aad uga awood badan meel aan kafogayna difaac kaga jira.

Wararka waxay intaasi sii raacinayaan in dagaalka u dhexeeya maleeshiyo beeleedka Barre ee kadhacay meel Saakoow ujirta 12km ay isaga dileen ugu yaraan 5 maleeshiyo ah, halka dhaawacyo culisi ay ka soo
gaareen tiro kabadan 15 maleeshiyo ah. Illaa iyo hadda oo aan warkan qoreynana waxaa wali socda dagaalkaas u dhexeeya maleeshiyo beeleedka Barre Hiiraale uu horboodiyo.

Dhinaca kale wararka laga helayo Deegaanada kudhow magaalada Bu,aale ayaa waxay intaasi kudarayaan in Maleeshiyooyin ka tirsanaa kuwa Barre Hiiraale ay isku dhiibeen Ciidamada Maxaakiimta ee Ku sugan Bu,aale, isla markaasna ay codsadeen inay laga badbaadiyo gulufka colaadeed haatana ay si nabad galyo ah ula joogaan Ciidamada Midawga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed oo xarunta dhaqan celinta maleeshiyaadka ee magaalada Bu,aale usii gudbin doono.

Khilaafka gacan ka hadalka keenay ee udhexeeya maaleeshiyada Barre Hiiraale ayaa soo ifbaxay xilli xaalada deegaanku ay aad u kacansan tahay oo lafilaayo in ciidamada maxaakiimtu ay talaabooyin military oo kama danbays kaqaadaan maleeshiyada Barre Hiiraale oo si ismiidaamin ah usoo siqiya hadda kahorna wax garadkooda dhowr mar looga digay in Barre Hiiraale dagaal kusoo qaado Jubbooyinka.

Laakiin waxaa loo sheegay hadii ay taas dhacdo inay kuwii soo abaabulay dagaalka ay kamsuul yihiin cawaaqib xumida ka imaata dagaalkaas oo aan ku istaagi doonin goballada Jubbooyinka, balse waxuu dagaalku ugudbi doonaa magaalooyin hadda nabad lagu joogo.

Godeynews.com
Kismaayo.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com