Maamulka maxaakiimta islaamka ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in raashimo mucaawino ah la gaarsiin doono dadka ku dhiban gobolada Jubooyinka.
Iyadoo ay jirto dhibaato baahsan oo laga soo sheegayo dadka ku dhaqan deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo kuwa ku jira xeryaha dadka soo barakacay ayaa markii ugu horeysay waxaa ku qulqulaya nawaaxiga Jamaame iyo Jilib kolonyo sida shixnado raashimo mucaawino ah oo Hay'adda WFP ay ugu deeqday dadka ku tabaaleysan gobolada Jubooyinka.
Raashinkaan ay hay'adda WFP geysay gobolada Jubooyinka ayaa ku soo beegmay xilli cabashooyin xoogan ay muujiyeen dadka ku dhaqan gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo.
K/xigeenka duqa magaalada Kismaayo Bishaar Aadan Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka heeysta dadka ku jira xeryaha magaalada Kismaayo, isagoos heegay in raashimo mucaawino ah la siin doono.
Sidoo kale waxa uu sheegay in wax laga qaban doono arimaha caafimaadka iyo waxbarashada.