Prof Cadow maruu kahadlayay hadaladii M/weyne C/laahi Yuusuf u kucodsaday in wadahadlka laga soo wareejiyo wadamada jaamacadda carabta oo loosoo wareejiyo wadamada kubahoobay urur gobaleedka IGAD ayaa yiri;
�Qofka haduusan kalsooni qabin waxa uu eedeeyaa wadamada wax maamuulaya, wax dhib iminka kama tabaneyno Jaamacaad Carabta , in aan wanaag kala kulanna mooyee.�
Dhinaca kale Prof Ibraahim Cadow ayaa gaashaanka kudhuftay hadalkii C/laahi Yuusuf ee ahaa magaalada Kismaayo maxaakiimtu waxay kudileen 16 qof oo isugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad. Waana been aan jirin oo aan haboonayn inuu kasoo yeero afka qof masuulnimo sheeganaya.
Inkastoo ay wadamada xiriirka soomaaliya ay labada dhinacba kuburiyeen in laisku soo dhawaado oo kaqeyb galaan shirka soo socda ayaa hadana hadaladan colaada iyo carada kamuuqato ay sii adkaynayaan rajada laga qabo dhicitaanka shirka 30ka bishan laga filayo inuu kaqabsoomo magaalada Kharduum ee wadanka Suudaan.