GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Bu,aale: 5 maxbuus iyo gaari landcruiser ah oo laga soo qabtay ilaalidii maleeshiyada Barre Hiiraale

Warar rasmi ah oo Godeynews ay kuheshay dad masuuliyiin ah oo wata telefoonka guurguura oo kusugan magaala madaxda gobalka jubada dhexe ee Bu,aale ayaa waxay noo sheegeen in maleeshiya beeleedka Barre iyo kuwa C/laahi Yuusuf oo iskudhafan ay soo gaareen tuulada Gubato oo 27-30km ujirta Buaale. Taasooy hareeraheeda difaac adeg kaga jiraan ciidamada maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed oo dhowr mar oo hore digniino fara badan oo lagu baajinayo dagaalka udiray beesha uu kasoo jeedo Barre Hiiraale.


Warku wuxuu intaa ku daraya in la qabtay 5 nin oo sahanka Hiiraale ahayd kuwaas oo ay ciidamada maxaakiimtu ee AL-SHABAAB ay gacanta ku soo dhigeen iyagoon ridin wax xabad ah. Sidoo kale waxay saaka ciidamada maxaakiimta ee Buaale gacanta ku dhigeen Baabuur nooca loo yaqaan Toyota 4WD ama Qooqan oo uu lahaa ninkii taageeray Barre Hiiraale Col Duaale Ganaane oo si hoose dhaqaale uga heli jiray HAyadda World Vision ee xarunta balaaran kuleh magaalada Buaale.

Ciidamada maxaakiimta ayaa saaka gaarigaas iyo darawalkiisiba oo lagu magacaabo Cabdi Ooyoow gacanta kusoo dhigay isagoo xiligaas iskudayay inuu usii baxsado dhinaca dhasheegga Raddiile oo u dhaw garoonka diyaaradaha Buaale una jira magaalada 5km.

Waxaa kale oo warku intaa kudarayaan in gaariga laftiisu oo hadda ka hor Barre Hiiraale ugu deeqay Ducaale ganaane Cun-Cun oo asagu Xidid iyo Taxaalufba la ahaa isbahaysigi afka dhulka loo geliyay ee uu madaxda ka ahaa Qaqable Barre Hiiraale.

Xoogaga maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed oo gacanta kuhaya magaalooyin fara badan oo kuyaalla K/Soomaaliya ayaa wacad kumarey in hadii Barre Hiiraale iyo wax lasocda ay weerar kusoo qaadaan meel kamid ah goballada Jubbooyinka ay lakulmi doonaan cawaaqib xumo, isla markaasna ay kudhufan doonaan dhirbaaxo aysan waligood kasoo waaqsan.

Cirjiir Ibraahim,
Godeynews.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com