Wararka rasmiga ah ee naga soo gaaraya deegaanka Bu,aale oo aan kula xiriiray telefoonka gurguura ayaa noo xaqiijiyay inuu hadda oo saacadda Afrikada Bari tahay 14:30 duhurnimo uu dagaal weyn ka qarxay tuulada DUJUUMA oo magaalada Bu,aale ujirta 15km.
Dagaalkaas oo udhexeeya ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed iyo Maleeshiyada Barre Hiiraale oo in muddo ah ay ciidamadoodu isku hor fadhiyeen meel udhexeeysa Sakoow iyo Bu,aale oo isujira masaafo dhan 45km. Waxaa kaloo lafilyaa inuu dagaalkan noqon doono mid faraha lagaga gubto oo khasaare fara badan keena.
Subaxnimadii hore ee maanta ayay israsaasayn xoogan dhexmartay labada dhinac meel aan kafogayn tuulada Dujuma, balse waxaa intaas dhaafsiisan oo lagasoo sheegay majirin.
Sidoo kale dagaalkan weyn ee hadda qarxay ayaan illaa yo hadda wax faahfaahin oo dheeraad ah laga haynin madaama uu qarxay 20 daqiiqo kahor marka an warkan qorayno.