GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Buaale: "Col Barre Hiiraale iyo Col C/risaaq Biixi oo baxsaday iyo Khasaare weyn oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray maleeshaydii Barre Hiraale iyo kuwa Ethiopianka" Sarkaal sare oo kamid ah ciidamada MMI Bu,aale!!

War degdeg ah oo hadda naga soo gaaraya telofoonka guurgura oo kusugan furunta ciidamada maxaakiimta islaamiga Jubbooyinka ayaa noo xaqiijiyay in khasaare badan soo gaaray maleeshiya beeleedkii Barre Hiiraale iyo kuwii Ethiopianka ee isaga lasocday.

Khasaarahan soo gaara maleeshiyada Barre Hiiraale ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo dad nolosha lagu qabtay oo isugu jira saraakiil Ethiopian iyo soomaali badan oo calooshood u shaqeystayaal ah.


Khasaarihii soo gaaray ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Barre Hiiraalle oo tafatirana waa kan.

1-Dagaalku waxuu 14:30 duhurnimo saacada afrikada-bari kaqarxay Dujuuuma oo Bu,aalle 15km ujirta

2- Waxaa dagaalka dhinaca Barre Hiiraale kadhintay oo meydkooda lahayaa 16 maleeshiyo beeleed ah, iyo 1 sarkaal oo Ethiopian ah

3- Waxa gacanta lagu dhigay iyagoo nool 21 calooshu ushaqeystayaal oo soomaali ah 2 Sarkaal Ethiopian ah iyo 3 askari ciidamada Ethiopianka laakiin loo maleynayo inay yihiin soomaalida kudhaqan Ethiopia

4- Waxaa gacanta lagu soo dhigay gaari N3 ah oo hub kala gedisan kabuuxo. Waxaa kaloo gacanta lagu hayaa 11 gawaarida dagalka ah oo 6 kamid ah u saran yahay qoriga dhisheegaha

Maleeshiya beeleedkan lajibiyay ayaa waxaa kala watay Col C/risaaq Biixi iyo Col Barre Hiiraale iyo waliba ugu yaran 4 sarkaal Ethiopian ah oo illaaa iyo haada aan lagaraynin meel ay cag-dhigeen.

Ciidamada midowga maxakiimta islaamiga ayaa hordhacoodii oo sii baacsanaya waxii kaharay kuwa Barre Hiiraale ay hadda 5km ujiraan magaalda Saakoow oo Bu,aale ujirta 45km.

Dhinaca kale masuul katirsan ciidamada maxaakiimta islaamiga Juubboyinka oo aaga hore kusugan ayaa noo sheegay inay Bu,aale karareen laba gaari oo sida cunto iyo biyo lagaarsiinayo maleeshiyada firxadka ah ee Barre Hiiraale iyo C/risaaq Biixi ka carareen kuwaasoo lagu uruurinayo meel udhaxeeysa Bu,aale iyo Saakoow.


C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com