Ciidamada MMI ayaa waxaa hadda naloo soo sheegayaa in laisla dhaafay magaalada Saakoow isla markaasna lagu sii jeedo dhinaca magaalada Baardheere oo ah meesha uu Barre Hiiraale kasoo abaabulay daagaalka.
Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in Ciidamada MMI ay ciidamo badan soo dhoobeen meel aan kafogayn Diinsoor oo lafilayo inay difaac kaga jiraan. Meesha kuwa kalena ay soo buux dhaafiyeen deegaanada Leego iyo Wanlweyn oo katirsan gobalka Shabeelada Hoose, isla markaasna diyaar garow adeg ka sameeynaya ciidamadii shalay gacanta kudhigay magaalada Buurxakabo ee isugu jiray Ethiopianka iyo kuwa Dawladda Soomaaliyeed.